qorilugudnews24.com
War Deg Deg Ah: Madaxweynaha Somaliland Oo Munaasiabdda Ciidul-Fidriga Awgeed Dhambaal Hambayo Ah U Diray Guud Ahaan Shucuubta Islamaanka, Gaar Ahaan Shacabka Reer Somaliland.
May 23, 2020 - Written by qoriadmin

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu shacabka reer Somaliland iyo guud ahaanba ummadda Islaamka ku hambalyeeyey munaasibadda ciidal-fidriga ee sanadka Hijriyada Islaamka ee 1441Naad. Waxaanu Madaxweynuhu munaasibadda ciidul-fidriga awgeed hambalyo u dirayaa dhammaanba ummadda Islaamka meel ay joogaanba, gaar ahaan Ummadda reer Somaliland, waxaanu Ilaahay inooga baryayaa inuu innaga aqbalo soonkii, ducadii iyo cibaadadii aynu bishan Ramadaan soo gudannay muslim ahaan, Illaahayna inoo dambi-dhaafo, wixii dhibbana dhibta Alle ka dulqaado, xanuunkan aduunka sameeyey ee karoona-fayris-na innaga dulqaado culayskiisa.  Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu, ummadda reer Somaliland u rajeeyey inay sannadkan sannadkiisa ku gaadhaan barwaaqo, kana midho dhaliyaan hiigsigooda dhinaca horumarka ee ay ku jireen, nimcadana khayrkeeda inna siiyo, nabad iyo caano, colaad la’aan, caydh la’aan iyo cudur la’aana Illaahay innaga yeelo, Ilaahay idankiina Bishan Bisheeda aynu ku gaadhno innaga oo halkan aynu joogno meel ka fiican joogna.  Ugu dambaynna, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa guud ahaan shucuubta Islaamka ee  ku dhaqan dunida dacaladeeda.  Aamiin Aamiin Aamiin.

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

COMMENTS
Latest News