qorilugudnews24.com
Madaxweyne Siciid Deni Oo Shaaca Ka Qaaday Tuhun Ay Ka Qabaan In La Adeegsado Al-Shabaab.
May 24, 2020 - Written by qoriadmin

SACIID DENI oo shaaca ka qaaday tuhun ay ka qabaan in la adeegsado Al-Shabaab

Garoowe-(QorilugudNews24)Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo wareysi gaar ah siiyey laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa ka hadlay xaaladdaha Ammaan ee Maamulkaasi, gaar ahaan weeraradii ugu dambeeyey ee ka kala dhacay Magaalooyinka Gaalkacayo iyo Garoowe.

Deni ayaa wareysiga lala yeeshay si gaar ah uga hadlay weeraradii lagu dilay gudoomiyeyaashii gobollada Nugaal iyo Mudug, wuxuuna tilmaamay inay qabaan tuhun ku aadan in Al-Shabaab ay Adeegsanayaan gacmo kale oo leh dano gaar ah.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay haatan wadaan baadhitaano dheeraad ah oo ku aadan dhacdooyinkaasi, isla markaana ay dhawaan shaacin doonaan Natiijada.

Madaxweynaha Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa tusaale u soo qaatay warar ay horay u qoreen qaar ka mid ah warbaahinta caalamka ee loolanka dalalka Carabta qaarkood ay ku jiraan Soomaaliya in ay qeyb ka noqon karto adeegsiga Al-Shabaab.

“Tuhun badan ayaa qabnaa oo ku aadan in Al-Shabaab ay noqdeen gacmo la iska adeegsado,gacmo kale iyo dano ayaa loo adeegsanaya sidda horay Jariidaha Caalamka u sheegeen in Muddo ka yar laba bilood la beegsado laba Gudoomiye Gobol Oo Maamulkiisa Ka Tirsan iyo dilkii guddoomiyahii Gobolka Banaadir oo dhammaantood lagu diley Qaraxyo, tuhun ayaan ka qabnaa baaritaanana waan wadnaa” ayuu yiri Madaxweyne Siciid Deni.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo muddooyinkii la soo dhaafay kooxda Al-Shabaab oo weli ku xooggan dhulka buuraleyda ee gobolka Bari ay kordhisey weerarada ay ka fuliso Maamulkaasi, waxaana weerarkii ugu dambeeyey lagu diley Guddoomiyihii Gobolka Mudug, Axmed Muuse Nuur uu ka dhacay waqooyiga Magaalada Gaalkacayo.

COMMENTS
Latest News