qorilugudnews24.com
Eexdii Madaxweyne Cigaal Iyo Mashruucyadiisii Qabyaaladdeed Ee Midho-Dhalay!!!.
May 26, 2020 - Written by qoriadmin

Burco-(QorilugudNews24)-Mashruucyadii Qabyaaladdeed Ee Midho-Dhalay, Ee Marxuum Cigaal Meel Mariyey Muddo Xilleedkiisii Waxaa Ugu Mudnaa Xeer No: 12. Gole Keenidiisii Wakiilada Illaa Dhaqan Gelintiisii Waxaa Keliya Ee U Dhexeysey Muddo Laba Usbuuca! “Dheereeye maxaa siday?” ayuu yidhi Maxamed Cali Kaariye. Nuxur Badani Kuma Jiro In Labada Kastam Ee Dalka Ugu Weyn Loo Asteeyo Magaalooyinka Berbera Iyo Gabiley, Laakiin Sirta Iyo Qorshaha Cigaal Astaynta Labadaa Kastam Uga Dan Lahaa Waxaa Kashifay Qodobka 14(1) Ee Xeer No:12.

Qodobka 14 (1) aad waxay odhanaysa sidan: “Degmooyinka Kastamadu ku Yaalliin waxay xaq u yeelanayaan in Wasaaradda Maaliyaddu U Qoondayso (10%) oo ay ku yeelanayaan Cashuurta Guud ee Dawladda Dhexe (Customs Duty) ka qaado furdadaasi.” Waa Tahay.

Marka la tix-raacayo dakhliga Dawladdaha Hoose ka soo gala cashuuraha si isku mida sharcigu u siiyey ee ay Maagaalooyinkooda ka qaataan, waxay u kala dakhli badan yihiin sida ay Magaalaba Magaalo uga weyn tahay uguna dad badan tahay. Laakiin xeerkan Cigaal ee jideeyey in Degmooyin gaar ahi si toosa dakhli uga helaan Dawladda Dhexe, wuxuu sababay in Berbera iyo Gabiley oo leeg Xaafaddo ka mid ah Burco iyo Boroma, ay haddana 4 jeer ka dakhli bataan, ileyn Kiishadii Dawladda Dhexe ayaa looga gacal miisayaayee. Waxaa xusid mudan in kabka 12.5% ah ee ay Dawladda Dhexe siiso D. Hoose ay dhammaan degmooyinku qaybsadaan macaal Berbera iyo Gabiley, laakiin 10%-gu waa u gooni Berbera & Gabiley.

Xeerkan uu Cigaal ugu sedburinaayo degmooyinka ay hayb ahaan wadagaan, maxsuulkiisii wuxu noqday in dakhliga ay ku shaqeeyaan afartaas magaallo siddan kale noqdaan: Berbera ($12.8M), Gabiley ($4.1M), Burco ($3.5M) Boorama ($2.6M). Hargaysa oo magaalo ahaan intooda isku leegi waa $14 Million, halka ay Berbera ka tahay $12.8 Million. Wax weyn ee qaldan indhahaaga ayaad ku aragtaa; bal dib u fikiroo, Soltelco iyo Ciddin keebaa wax qabad fiican? Berbera oo leeg xaafad ka mida Hargaysa ayuu Ciddin dakhligaas leeg ka Hargaysa oo dhan ku maamuulaa!

Barnaaamijkii falaqayanta miisaaniyadda ee ay 9 January ISIR Think-thank qabatay, Wasiir Sacad laba jeer ayaa la weydiiyay su’aal kiiskan la xidhiidha (Ka hubi qaybta 3aad daqiiqada 7aad iyo qaybta 4aad daqiiqada 23aad). Nasii darro waxay noqdeen kaliya labada su’aalood ee aanu Sacad ka jawaabin wixii su’aal la weydiiyey oo dhan.

Inta Aanaan u gelin ujeedada uu Cigaal ka lahaa Xeerkan (Xeerka Tacriifada Midaysan ee Cashuuraha Dawladdaha Hoose.) aan cadeeyo in aanu kastamku ahyn kheyraad ay degmo gooni u leedahay si ay uga hesho xuquuq gaar ah. Kastamku waa Check Point dawladdu wax ka Cashuurto; waa wax kolba halkii doono loo rari karo. Halkan ka akhri qoraal oo aan hore uga sameeyay mowduucan https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=2509267095803983&id=100001621504742

Alle haw naxariistee Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, xeerka wuxuu uga dan lahaa saddex qodob.

1. In dagmooyinkaasi uu ka soo jeedaa ay helaan dakhli badan si ay wax qabad ka ballaadhan ka dalka kale looga hirgeliyo.

2. In ay noqota Kiishad Reerka u gaar ah, oo looga faa’iidaysan karo loolannada Siyaasadda. Labada Maayir ee Labadaas Degmo lacag badan ayey ku bixiyeen Ololahii Muuse Biixi lagu dhisaayey.

3. Ta ugu muhiimsan oo ah in sheeko la abuuro (Narrative) nuxurkeedu yahay in labadaas degmo dalka kale ka hodansan Yihiin, laguna ixtiraamo dakhli soo saarkooda, iyaguna ay Meelahaas kaga Faanaan: annaga ayuun buu cashuur bixiye ah, dad kale Qaranka waxba kuma taraan. Cigaal Qab ayuu Beerayay. Arrinkaas wax badan ayaa ugu hirgalay.
Ugu dambeyn, This Is Cigaal’s Letter Of Visionary.

Xigasho Hassan Garnayl

COMMENTS
Latest News