qorilugudnews24.com
9 Dhallinyaro Ah Oo Meydkooda Laga Helay Deegaanka Galooley Ee Gobolka Shabeellada Dhexe, Kuwaas Oo La Sheegay In Ay Ahaayeen Daryeelayaal Caafimaad.
May 28, 2020 - Written by qoriadmin

Muqdisho-(QorilugudNews24)-Wararka Ka Imanaya Degmada Balcad Ee Gobolka Shabeellada Dhexe Ayaa Sheegaya in Halkaasi La Keenay Meydka 9 Dhallinyaro Ahaa Oo Shalay Laga Qafaashay Deegaanka Galoolley, Taas Oo Qiyaastii 8 Km U JirTAa Degmadaasi Balcad.

Dhallinyarada Ayaa Ahaa Kuwa Ka Shaqeynaayey Laba MCH Oo Ku kala Yaalla Gudaha Degmada Balcad Iyo tuulada Galooley, Sida Ay Xaqiijiyeen Hawl-Wadeenada Caafimaadka Ee Halkaasi Ku Sugan.

Daa’uud Xaaji Cirro Oo Ah Afhayeenka Xukuumadda Hirshabeelle Ayaa Ku Eedeeyey Ururka Al-shabaab In Ay Falkaasi Waxooshiga Ah Ka Dambeeyeen, Sida Uu Ku Xusay Qoraal Kooban Oo Uu Bartiisa Facebook-ga Soo Dhigay.

Waa Markii Ugu Horeyey Ee Fal Noocan Oo Kale Ahi Uu ka Dhaco Gobolka Shabeellada Dhexe Ee Maamulka Hirshabeelle.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News