qorilugudnews24.com
MAXAY WASAARADDA CAAFIMAADKU U GUDAN WEYDEY WAAJIBKEEDII??,/QORE: PRO. MOHAMED (JAAFAA).
May 29, 2020 - Written by qoriadmin
Image preview
Waxaa Shacabkeena Somaliland Wareeriyey 29 Sanno Ictiraaf.  Aqooni Waxay U Baahan Tahay Maskax  Qaadi Karta, Hagi Karta Ee Maaha, Wax Baan Akhrin Karaa, Qori Karaa, Waan U Soo Halgamey, Masuuliyadaasi waxay U Baahan Tahay Shakhsi Leh,  Maskax, Garsoorid, Aragti Fog, Dejin Siyaasaddeed, Hoggaamin Aabenimimo leh iyo shuruudihii Horumarineed ee Himiladooda Ahaa.
 Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, waa hay’ad dawladdeed oo qaranka mas’uul looga dhigay Arrimaha ku saabsan Adeegga Caafimaadka Dadweeynaha, Miyi iyo Magaaloba, Bari iyo Galbeed ba, Sida korinta Caruurta, Cuduradda Faafa.. iwm.
Waxa Isweydiin Leh Ma Gudatey Waajibkeedii 29 Sanno?, haddii aysan gudan maxaa dib u dhac ku sameeyey.? Maxaase Keenay Cusbitaalo gaar loo leeyahay oo Aad U fara badan.?
 Somaliland waxaa Ragaadiyey 29 Sannadood, oo naafeeyey horumarkeedii bulsho iyo keedii Dhaqaalaba, Aafada (Musuqmaasuqa) oo Xalaal ka dhex noqotay hay’addaha Kala Duwan Ee dawladda, iyada oo Musuqmaasuqu noqday wax aan la iskula Yaabin balse loo tartamo oo Aan la Iskula Xisaabtamin. Horseedayna Maamul Xumo, Taas oo lumiyey Adeegyadii Guud Ee Bulshada.
Maanta adduunkii Covid-19 baa jira, wuxuuuna ku faafi karaa dhibco yar-yar oo ili ma qabatay ah, sida Candhuuufada ama hab dhiska Neef Mareenka, Qufaca iyo Hindhisada, Sidaas Daraadeed ka taxadara in aad Qof kale ku dhawaatid.
PRO. MOHAMED AHMED FARAH MATAAN (JAAFAA)
ANKARA, TURKEY.

COMMENTS
Latest News