qorilugudnews24.com
“Faysal Cali Waraabe Kuma Uu Gefin Shakhsiyaad Ee Wuxuu Ku Gefey Beelaha Harti Iyo Habar-Jeclo”/ Boqor Buurmadow.
May 30, 2020 - Written by qoriadmin

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Shirkiisii Jaraa’id Ee Shalayto Kuma Uu Gefin Shakhsiyaad Kumana Weerarin Ee Wuxuu Ku Gefey Beelaha Harti Iyo Habar-Jeclo Isaga oo ku guubaayey Beelaha Dhulbahante In ay Habar-Jeco ka soo eryaan Qorilugud iyo Coodanle iyo Caynaba, Waana Wax Aad Loola Yaabo Hadalka Ka Soo Baxay Guddoomiye Faysal Wuu ka daba tegay iskuna dayey inuu saxo hadalkii uu ku Aflagaadeeyey Beelaha Harti inkasta oo uu ka siidaray dhiiqona sii dabaashay, Hase yeeshee Eediihii uu kula kacay Beelaha Habar-Jeclo Wuu ku Sii Adkaystay.
Faysal wax badan Wuu Amaani jirey Habar-Jeclo Taageero Fiicana wuu ku haystey, Aniga aragtidayda Faysal aad uma yaqaano dhaqanka Beelaha Habar-Jeclo, Habarjeclo lama amaano, hadii la amaantona lama caayo oo xukinkeedu waa qisaas,
Alle ha U Naxariistee waxa aad u amaanay Habar-Jeclo Abwaankii Weynaa ee Ismaaciil Yawle, Muddo kadib ayuu Gabyey, Wuxuuna Ku Yidhi:
Mamaroodi baan Habar-Jeclooy idinku miisaalay
Ma Mooyaan idiin tumay Gun waa loo Mashxaradaaye.
Haddaba Faysal Waxaa Ku Waajibtey In La Mariyo, Jawaabtiisuna Ahaan Doontaa Magligaad Faysaa Ku Goyn Muruqa Yawloowe

COMMENTS
Latest News