|
|||||
qorilugudnews24.com
Xuuto Waxa Uu Metelaa Oo Keliya Calooshiisa/By: Cabdisatar.
June 1, 2020 - Written by qoriadmin
Waxaan xasuustaa xilligii abaaraha mar saxaafadda lagula kulmay madaxtooyada kadibna dawladu saxaafadda ka codsatay in gurmadka abaaraha lagala shaqeeyo , kadibna odayadii warbaafinta ka socday ay wada aqbaleen codsiga dawladda balse godoomiyaha solja Xuuto , wuxuu yidhi khaarashaadkii dawladu nasiin jirtay ma qaadanoo, mana shaqaynkarno lacag la’aan markaa waxaa loo baahan yahay lacagta la ururiyay qoondo in aanu ku yeelanno, kadibna Xuuto dawladdu waxay ku dartay gudidii taakulaynta abaaraha ee heer qaran isagoo huwan magacii weriyayaasha Somaliland , taasoo iyaduna ceebteeda lahayd . Maantana Wuxuu Gudida Covid-19 Ee Somaliland Ku Haystaaa Cunto waxaan garanwaayay ciduu metelo , wargayskiisii waaheen majiro, Tv-yada somaliland urur bay samaysteen , wariyayaashii waxay uga tageen ururkoodii Solja hab-dhaqankiisa, marka laga reebo koox yar oo xishood badan oo isaga layaaban, lknse maalmaha u hadhay utiriya gudoomiye Xuuto , Madaxweyne ku-xigeenka JSL Saylici iyo gudidiisa wuxuu si dadban ugu eedeeyay xaatooyo hanti Qaran iyada oo ay shalay ahayd markii madaxweyne ku-xigeenka Somaliland inoo sharaxay shaxdii Lacagta maanta markii uu shirka jaraa’id hayay Guddoomiye Xuuto waxaa kale oo uu soo qaatay si uu shacabka u lumiyo hantidhawrka wuxuu yidhi “hanti-dawrkii baa loo diiday in la Xisaabtamo guddida Covid-19, ninka wax ka yaqaan nidaamka shaqo ee Xafiiska hanti-dhawrka wuxuu markiiba fahmayaa inaanu aqoonba u lahayn Xuuto hab maamulka xafiiska hanti-dhawrka Qaranka Somaliland , , waa masuul aan kala xadayn karin nacaybkiisa iyo jacaylkiisa iyo masuuliyadda balaadhan ee alle kala xisaabtami doono maalinteeda , waajibkiisu maaha baahidiisa balse waa ilaalinta xaqa Suxufiga reer somaliland anigu waxaan ugu baaqayaa goddoomiye xuuto inuu ku soo noqdo xayndaabkii sharafta iyo ujeedooyinkii uu Ururka Solja U Taagnaa by: AbdiSataar Sabri
COMMENTS
|
Latest News
|