qorilugudnews24.com
General Xaftar Oo Laga Qabsaday Madaarkii Hore Ee Caasimadda Tripoli Iyo Goobo Kale Oo Muhiim U Ahaa Gulufkiisii Uu Caasimadda Ku Hayey.
June 4, 2020 - Written by qoriadmin

Ciidamada Jeneral KHALIFA XAFTAR oo laga qabsaday garoonka diyaaradaha Tripoli

Tripoli-(QorilugudNews24)-Ciidamada Dawladda Caalamku Aqoonsan Yahay Ee Libya Ayaa Dib U Qabsaday Garoonka Weyn Ee Diyaaradaha Ee Magaalada Caasimadda Ah Ee Tripoli, Taas Oo Afjaraysa Joogitaankii Ciidamada General Xaftar Ee Agagaarka Caasimadda Iyo Deegaamada Kale Ee Ku Xeeran.

Qabsashada Garoonkan Ayaa Kaabaysa Guulo Badan Oo Ay Hore U Gaadheen Ciidamada Dawladda GNA Ee Libya, Kuwaas Oo Gacan Ka Helaayey diyaaradaha Aan Duuliyaha Lahayn Ee Dalka Turkiga (Turkish Drones).

Ciidamada Dawladda Ayaa Sheegay In Ay Qabsadeen Garoonka, Isla Markaana Ay Ciidamadii General Khaliifa Xaftar Ku Riixeen Degmada Deriska La Ah Ee Qasr Bin Gashir.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News