qorilugudnews24.com
Warbixin Kooban Oo Ku Saabsan Alle Ha U Naxariistee Taariikhdii Iyo Sooyaalkii Halgamaa Baashe Xaaji Xasan Oo Saaka Ku Geeriyoodey Magaalada London.
June 19, 2020 - Written by qoriadmin

Qoraa/Abwaan/Halgamaa Maxamed Baashe Xaaji Xasan Ayaa Saaka Ku Geeriyoodey Magaalada London Ee Caasimadda Dalkaasi Ingiriiska.

Geeridaa Naxdinta Leh Ee Marxuun Maxamed Baashe Xaaji Ayaa Lagu Shaaciyay Qoraal Kooban Oo Lagu Baahiyay Bartii Uu Ku Lahaa Internet-ka Ee Facebook-ga.

Qoraal ayaa u dhignaa sida tan: “Inaa lillaahi wa inaa ileyhi Raajicoon. annaga oo ka raali ah qadarka eebe waxa aynu idinku war gelineynaa in saaka Rabi Oofsaday Maxamed Baashe Xaaj Xasan.

Illaahay Qabriga Ha U Nuuro, Illaahay Ha Ka Dhigo Marti Laga Jecel-Yahay Aakhiro, Illaahay Jannatul fardowsa Ha Ku Casuumo. Aamiin….Aamiin.

U Soo Duceeya Walaalayaal

Maamulka Bogga”

Annaguna Haddii Aannu Nahay Maamulka Iyo Hawl Wadeenada Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com, Waxa Aannu Halkan Dhammbaal Tacsi Ah Uga Diraynaa Dhammaan, Qoyskii, Qaraabadii, Asxaabtii Iyo Guud Ahaan Shacabka Reer Somaliland Ee Uu Ka Baxay Alle Ha U Naxariistee Marxuun Maxamed Baashe Xaaji Xasan.

Warbixin Kooban Oo Ku Saabsan Alle Ha U Naxariistee Taariikhdii Iyo Sooyaalkii Halgamaa Baashe Xaaji Xasan.

COMMENTS
Latest News