qorilugudnews24.com
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Oo Maanta Xil Ka Qaadis, Bedelaad Iyo Magacaabis Ku Sameeyey Qaar Ka Mid Ah Badhasaabada Gobollada Dalka.
June 29, 2020 - Written by qoriadmin

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi Ayaa Maanta Xil Ka Qaadis, Bedelaad Iyo Magacaabis Ku Sameeyay Qaar Ka Mid Ah Badhasaabada Gobollada Dalka, Sidaana Waxa Lagu Sheegay Wareegtooyin Maanta Ka Soo Baxay Xafiiska Madaxweynaha Somaliland Oo Ay Sumaddoodu Kala Ahayd: JSL/XM/XKQ/222/1-530/062020 Iyo JSL/XM/WM/222-531/062020.

Wareegtooyinkaasi Uu madaxweynuhu soo saaray oo Nukhul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com Ayaa Waxa Ay U Dhignaayeen Sidatan:-

Wareegto Madaxweyne

Ku: Yaasiin Maxamed Shide Ibraahim;

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hawd

Ku: Cabdiraxmaan Axmed Cali Muuse;

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Awdal

Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hore u hayseen. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaranka.

Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:

1. Maxamed Axmed Caalin Yuusuf Guddoomiyaha Gobolka Awdal.

2. Axmed Cismaan Xasan Cilmi Guddoomiyaha Gobolka Sanaag

3. Axmed Maxamed Xaashi Ducaale Guddoomiyaha Gobolka Saaxil.

4. Axmed Cige Maxamed Geeddi Guddoomiyaha Gobolka Hawd.

5. Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye Guddoomiyaha Gobolka Gabiley.

6. Maxamed Cismaan Xaaji Axmed Guddoomiyaha Gobolka Saraar

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha JSL.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News