qorilugudnews24.com
Kbabiir Qaabilsan Amniga Qaranka Ee Dalkaasi Maraykanka Oo Sheegay In La Gaadhey Waqtigii Somaliland La Aqoonsan Lahaa.
July 13, 2020 - Written by qoriadmin

Washington-(QorilugudNews24)- Khabiir Lagu Magacaabo Mr. John Rosenberg, Takhakhuskiisuna Yahay Xidhiidhka Amniga Qaranka Ee Maraykanka, Una Qaabilsan Qaaradda Afrika (U.S. – Africa Government Relations And National Security Specialistin Washington) Ayaa Sheegay In La Gaadhay Waqtigii Somaliland, Isla Markaana Loo Baahan Yahay In Aqalka Cad Ee Maraykanku Meel Mariyo Tallaabooyin Cusub Oo Laga Ansixiyo Aqalka Baarlamaanka Bisha January Ee Fooda Inagu Soo Haysa.

Khabiirkani oo Bartiisa twitter-ka soo dhigay hadalkani, waxa uu u qornaa sidan. “Hadda waa waqtigii Hargeysa ay u dhaqaaqi lahayd dhinaca Washington

“Haa waa run inuu qof Cusubi yimaado Aqalka Cad, isla markaana uu ka ansixiyo Baarlamaanka iman doona January, laakiin, waxa hadda la isla meel dhigay tallaabooyin waaweyn oo dhinaca Aqoonsiga ah iyo xidhiidho muhiim ah oo lala yeesho Somaliland” Ayuu ku yidhi qoraal kooban oo uu shalay soo dhigay Bartiisa twitterka Khabiirkani”.


Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News