qorilugudnews24.com
Qaban-Qaabada Xafladda Soo Dhaweynta Abwaan Cismaan Kujare Ee Ku Biiritaanka Xisbiga Waddani Oo Si Weyn Looga Dareemayo Magaalada Burco.
July 19, 2020 - Written by qoriadmin

Burco-(QorilugudNews24)-Qaban-Qaabada Xafladda Soo Dhaweynta Abwaan Cismaan Maxamed Axmed (Cismaan Kujare) Ee Ku Biiritaanka Xisbiga Waddani Ayaa Si Weyn Looga Dareemayo Magaalada Burco Ee Xarunta Gobolka Togdheer, Abwaanka Oo Hore Uga Tirsanaan Jirey Xisbiga Tallada Haya Ee Kulmiye Ayaa Hadda Go’aansaday In Uu Ka Digo Rogto Xisbigaasi Kulmiye, Kuna Biiro Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani.

Abwaan Cismaan Kujare Ayaa Ka Soo Jeeda Deegaamada Beelaha Solomadow, Deegaamadaas Oo Faro-Madhan Ka Taagan Gebi Ahaanba Xukuumaddihii Kala Dambeeyey Ee Ka Dhashay Xisbigaasi Kulmiye, Beelahaas Oo Hadda Go’aansaday In Calanka Xisbiga Kulmiye Laga Tir-Tiro Dhammaan Deegaamada Ay Beelahaasi Degaan, Isla Markaana Ay Ka Dareeraan Xisbiga Kulmiye, Xisbigaas Oo Lagu Eedaynayo Eex, Qaraabo Kiil, Sad-Bursiinyo Beelaysan Oo Weliba Dhinac Ka Raran, Qabyaalad Iyo Kala Faquuq Lagu Sameeyey Guud Ahaanba Bulshadii Reer Somaliland, Oo Qaarna La Baar-Daajiyey, Qaarna Dhegaha Laga Furaystay, Iyada Oo Ay Beelaha Qaarkoodba U Qaateen In Ay Somaliland Tahay Dhaxal Abahood Uga Dhintay Isla Markaana Iyaga Gaar Looga Dhigay Waxtarkii Somaliland Iyo Dhammaanba Deeqihii La Helay, Kuwaas Oo Weliba Aanay Somaliland Maalina Habari Kaga Dhiman Guud Ahaan Wixii Dagaal La Galay Iyo Difaaca Somaliland, Halka Ay Beelihii Kale Ee Somaliland Garabka Iyo Gaashaanka U Ahaa Ee Ay Maalin Walba Inamadoodu U Dhimanayeen Qadiyadda Somaliland Loo Qaatay In Ay Yihiinba Looma Ooyaan, Arrintaas Oo Ay Hadda Dad Badani Dareemeen, Isla Markaana Ay Tallo Isugu Maqan Yihiin.

Ugu Dambayn Waxa Beelaha Solomadow Loogu Baaqayaa In Ay Tallo Mideysan Ka Qaataan Gebi Ahaanba Xisbiga Kulmiye Iyo Xukuumaddiisaba, Isla Markaana Aan Calanka Kulmiye Mar Dambe Lagu Arag Dhammaan Deegaanada Ay Beelaha Solomadow Degaan, Laguna Biiro Meel Kasta Oo Ay Beeshu Danteeda Ka Dhex Aragto.

By: Weriye Xasan Xuseen Nabruush.
Burco, Somaliland.

COMMENTS
Latest News