qorilugudnews24.com
Maamulka Fadhiidka Ah Ee Degmada Qorilugud Oo Lagu Eedeeyey In Uu Gacan-Saar La Leeyahay Maamul-Goboleedka Puntland Iyo Mooganaanta Xukuumadda Somaliland.
July 28, 2020 - Written by qoriadmin

Qorilugud-(QorilugudNews24)-Qaar Ka Mid Ah Shacab-Weynaha Degmada Qorilugud Ee Gobolka Togdheer Oo Maanta Warbaahinta La Hadlay Ayaa Eedo Culus U Soo Jeediyey Maamulka Fadhiidka Ah Ee Degmadaasi Qorilugud, Kaas Oo Ay Ku Eedeeyeen In Uu Gacan-Saar La Leeyahay Maamul-Goboleedka Somalia Ee Puntland Iyo Kooxo Argagixiso Ah Oo Ka Dhisan Gudaha Magaalada Buuhoodle, Maamulka Qorilugud Ayey Sidoo Kale Sheegeen In Uu Yahay Maamul Copy Ah Oo Meesha Lagu Ilaawey, Isla Markaana Muddo 30 Sannadood Ah Meesha Iska Yuurura Oo Ku Indho Iyo Dhego Beelay Kuna Daxaleystey, Kaas Oo Xukuumadda Somaliland Loogu Baaqay In Ay Si Deg Deg Ah Meesha U Dhaafiso, Una Soo Magacawdo Dad Dalka Iyo Dadkaba U Naxaaya.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews.com

COMMENTS
Latest News