qorilugudnews24.com
Deegaanka Degmada Qorilugud Waxa Ka Taliya Maamul Fadhiid Ah Oo Meesha Ku Raagay, Deegaankiina Ka Reebay Deegaanadii Kale Ee Ay Isku Faca Ahaayeen.
August 1, 2020 - Written by qoriadmin

Qorilugud-(QorilugudNews24)-Deegaanka Degmada Qorilugud Waxa Ka Taliya Maamul Fadhiid Ah Oo Fashilmay, Meeshana Ku Raagay, Deegaankiina Ka Reebay Deegaanadii Kale Ee Ay Isku Faca Ahaayeen Iyo Kuwii Ka Dambeeyeyba, Waxaanay Magaaladii Isu Bedeshey Meel Aad Moodid Xerooyinkii Xoolaha Oo Xoday Iyo Xagar Lagu Wareejiyey, Taas Oo Degmada Ka Dhigtay Meel U Muuq Eeg Ghost Village Ama Xaafad Jin Oo Ay Weliba Dhex Jiifaan Masa-Lugaley, Masas Iyo Abeesooyin, Waxa Kale Oo La Xaqiijiyey In Ay Magaaladaasi Ka Buuxaan Basaasiin Iyo Canaasiir U Shaqeeya Maleeyiyaadka Reer Buuhoodle Ee Somalia Ka Tallo-Qaata, Arrintaas Oo Ay Eedeeda Iska Leedahay Xukuumadda Somaliland Iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Oo Iyadu Ku Fashilantay In Ay Meesha Dhaafiso Maamulkan Qol Ku Raagga Ee Meesha Ku Indho Iyo Dhego Beelay Ee 30 Sannadood Iska Soo Yuurura.

Runtii Waa Wax Laga Xumaado In Deegaanka Intaas Leeg Uu Maanta Oo Ay Somaliland Jirtey Muddo 30 Sannadood Ah, In Uu Deegaankani Noqdo Midka Ugu Dib U Dhacsan Ee Ugu Liita Guud Ahaan Deegaamada Somaliland Ee Qaarkood La Naaxiyey, Isla Markaana Aanay Jirin Haba Yaraatee Wax Ku Soo Kordhay Deegaankan Oo Dhinac Walba Ka Arradan Kana Qatan Iyo In Hal Nin Iska Soo Dhex Yuururo Muddada Intaas Leeg, Taasina Waxa Kale Oo Ay Muujinaysaa Sida Ay Dadka Deegaankaasu U Yihiin Dad Aad U Liita Oo Aanba Garanayn Waxa Ka Maqan Iyo Waxa Ay Xaqa U Leeyihiin Toona Iyo Sida Loo Doonto.

Ugu Dambayn Waxa Aan Dadka Deegaankaasi Ugu Baaqayaa In Ay Iska Tuuraan Heeryada Dulsaaran Iyo Afarta Nin Ee Aad Moodid In Ay Dhaxaltooyada Meesha Ku Fadhiyaan Ee Dadkii Iyo Deegaankiiba Curyaamiyey, Kheyrkood Iyo Kheyr-Xigeenkoodiiba Ka Reebay, Isla Markaana Meesha Uun U Jooga Waxoogaaga Sandareeda Ah Ee Ay Xukuumadda Somaliland U Soo Tuurto.
Beeshu Ha Samaysato Dad Guddi Ah Oo Tv-yada Uga Hadla Isla Markaana Sida Rooxaanta U Buuqa Oo Xaqooda U Raadiya Sida Somalilandta Kale Ee Ay Qaylada Iyo Buuqa Ugu Badiso, Waayo Soomaalidu Waxa Ay Ku Maah-Maahdaa ”Nin Aan Hadloon Abartiina Wax Ma Siiso”, Ama Nin Kaa Hadal Badani Dhaxalka Aabahaana Wuu Ku Seejiyaa‘, Waa Run Oo Arrintaasi Waa Dhab, Somalilandna Waxa Wax Lagu Helaa Oo Keliya Marba Sida Loo Kala Hadal Badan Yahay, Laakiin Caqliga Saliimka Ah Ayaa Diidaya Meel Baan Iska Soo Yuururaya, Hadlina Maayo, Haddana Waxa Aan Doonayaa Waxqabad Iyo Horumar, Haddii Kale Oodihiina Iska Dhex-Taagnaada, Caanahaad Ka Lulataana Sugooda Aniga Waxba Hayga Siinina.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News