qorilugudnews24.com
Wefti Ka Socda Dawladda Dalka Shiinaha Oo Ku Soo Waajahan Somaliland Iyo Ujeedada Safarkooda.
August 4, 2020 - Written by qoriadmin

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Xogaha Aanu Helayno Ayaa Sheegaysa In Magaalada Hargeysa Ee Caasimadda Somaliland Ay Ku Soo Waajahan Yihiin Wefti Ka Socda Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ee Dawladda Dalkaas Shiinaha.

Weftigan ayaa ku biiri doona xubno kale oo uu hoggaaminayo Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Amb. Qin Jian oo isagu Dhawr Maalmood ku sugan Magaalada Hargeysa.

Danjire Qin Jian ayaa Magaalada Hargeysa ku sugan dhawr Maalmood, isaga oo aan weli la kulmin Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi.

Jian ayaa Somaliland u yimid sidii uu madaxda ugu sareysa ula kulmi lahaa, isla markaana u gaadhsiin lahaa diidmadooda ka dhanka ah xidhiidhka cusub ee ay Somaliland la sameysatay Taiwan.

Xirdhidhka Somaliland iyo Taiwan ayaa ka cadheysiiyay dawladad Shiinaha oo iyadu sheegata inay Taiwan tahay Jaziirad ka tirsan dhul-weynaheeda.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News