qorilugudnews24.com
Sarkaal Ka Tirsanaa Al-Shabaab Oo Ka Baxsaday Xabsiga Dhexe Ee Magaalada Muqdisho Iyo Xog Laga Helay.
August 13, 2020 - Written by qoriadmin

Muqdisho-(QorilugudNews24)-Ugu Yaraan 15 Ka Mid Ahaa Maxaabiistii Ku Xidhnayd Xabsiga Weyn Ee Magaalada Xamar Ayaa Ku Nafwaayey, Kadib Iska Hor-Imaad Xabsigaasi Ku Dhexmaray Maxaabiista Iyo Ciidankii Ilaalinaayey, Waxa Kale Oo Iska Hor-Imaadkaas Lagu Diley Ilaa Afar Askari Oo Ka Tirsanaa Ciidankii Asluubta Ee Xabsigaasi Ilaalinaayey.
Sida Ay VOA Ogaatey waxaa Xabsigaasi Ka Baxsadey Mubaarak Ibraahim Iidle Oo Ka Tirsanaa Al-Shabaab, Kaas Oo Sanadkii 2014 Lagu Xukumey 10 Sanno Oo Xadhig Ah. Mubaarak Ayaa Sida La Sheegay Gacanta Ku Dhiga Qori AK47 Ah, Waxaana Uu Bannaanka Xabsigaasi Ku Sii Diley Laba Askari Oo Ka Tirsanaa Ciidanka Ilaalada Xabsiga, Ka Hor Intii Aanu Ka baxsan Xabsiga.

Xabsiga Dhexe ee Xamar ayaa hore loogu Eedeeyey in Maxaabiistu U Nool Yihiin si caadi ah, waxay haytsaan Telefoono, waxay helaan adeegga Internetka, waxayna qaarkood Live ka soo dhex-galaan Isla Xabsigaasi.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News