qorilugudnews24.com
Shir Muhiim Ah Oo Ay Shalay Isugu Yimaadeen Aqoon-Yahanka, Waxgaradka Iyo Haweenka Bulshada Reer Somaliland Ee Ku Dhaqan Magaalada Helsinki Ee Caasimadda Waddanka Finland.
August 30, 2020 - Written by qoriadmin


Helsinki-(QorilugudNews24)-Shir Ay Shalay Isugu Yimaadeen Badiba Aqoon-Yahanka, Waxgaradka Iyo Haweenka Bulshada Reer Somaliland Ee Ku Dhaqan Magaalada Helsinki Ee Caasimadda Waddanka Finland Ayaa Lagu Qabtay Isla Magaalada Helsinki Ee Xarunta Dalkaasi Finland, Shirkaas Oo Ay Ujeedadiisu Ahayd In Lagaga Tashado Wixii Laga Yeeli Lahaa Jaaliyadda Reer Somaliland Ee Dalka Finland, Kadib Markii La Xaqiijiyey In Ay Jaaliyaddii Dadka Reer Somaliland Meteleysey Ay Ku Dhex Milantay Qaar Ka Mid Ah Maamul-Goboleedyada Ka Jira Dalkaasi Somalia.

Arrintaas Oo Ay Dadkii Shirkaasi Isugu Yimi Wada Qireen In Ay Tahay Khiyaano Qaran (High Treason), Isla Markaana Ay Is Tuseen In Ay Lagama Maarmaan Tahay In Gebi Ahaanba La Bedelo Oo Meesha La Dhaafiyo Guddidaasi Hadda Joogta, Maadama Oo Qaar Ka Mid Ah Gudiddaasi Ay Gacan Saar Dhow La Leeyihiin Koonfurta Somalia, Cadaymona Loo Hayo.

Ugu Dambayn Waxa Shirkaasi Lagu Go’aamiyey In La Saaro Guddi Farsamo Oo Ka Kooban Afar Xubnood, Kuwaas Oo Gogol Xaadh U Noqon Doona Sidii Isbedel Deg Deg Ah Bil Gudaheed Loogu Samayn Lahaa Guddida Hadda Joogta, Maadaama Ay Ku Tallaabsadeen Khiyaano Qaran (High Treason), Shir Dambena Ay U Soo Qaban Lahaayeen.

Kuvan mahdollinen sisältö: 10 henkilöä, mukaan lukien Aarjeberti Asadka, ihmiset seisovat ja kengätKuvan mahdollinen sisältö: 1 henkilöKuvan mahdollinen sisältö: 13 henkilöä, ihmiset seisovatKuvan mahdollinen sisältö: 3 henkilöä, ihmiset seisovat ja sisätilaKuvan mahdollinen sisältö: 2 henkilöäKuvan mahdollinen sisältö: ainakin yksi henkilö, ihmiset istuvat, pöytä ja sisätilaKuvan mahdollinen sisältö: 1 henkilö, seisoo, parta ja sisätilaKuvan mahdollinen sisältö: 4 henkilöä, ihmiset istuvat ja sisätilaKuvan mahdollinen sisältö: 1 henkilö, pöytäKuvan mahdollinen sisältö: 6 henkilöä, mukaan lukien Aarjeberti Asadka, ihmiset istuvat, pöytä ja sisätilaKuvan mahdollinen sisältö: 3 henkilöäKuvan mahdollinen sisältö: 4 henkilöä, ihmiset seisovat, pöytä ja sisätilaKuvan mahdollinen sisältö: 2 henkilöäKuvan mahdollinen sisältö: 10 henkilöä, mukaan lukien Aarjeberti Asadka, ihmiset seisovat ja kengät

Wa Billaahi Tawfiiq.

COMMENTS
Latest News