qorilugudnews24.com
Kulmiye Miyaa Lagu Tartamayaa Mise Waxa Lagu Qarinaya Xaalad Xun Oo Dalka Loo Abuurayo?W/Q: Faarax Cige Nuur
September 5, 2020 - Written by qoriadmin

Maxay Tahay Sababta; Saddex Kursi In Lagu Tartamo Loo Diidey Ee Guddoomaye Ku-Xigeenka Afaraad Loo Furay Iyo Xaaladdaha Colaaddeed Ee Lagu Abuuryo Iyo Danta Laga Leeyahay Colaaddaha Ka Dhalan Kara?,

Majaraan Milgaha Ku Dhiibey,
Makastu Ma Inay Kudheeshaa?

Sida aynu ka wada war qabno 04-05 bisha 10aad waxaa loo asteeyay in uu qabsoomin Shirweynihii 6aad ee Xisbiga Kulmiye. Kaas oo ay ahayd in lagu doorto guddoonka sare ee xisbiga kulmiye oo sida sharciga xisbiga kulmiye dhigayo ka kooban 4 Jago.

Haddaba, sida xaqiiqdu tahay ama muuqata waxaa meesha ka maqan ama jirta ujeeddo ka duwan tii sharciga iyo caqliyantaba ahayd taas oo ah in boos kasta hanashadiisu noqoto mid loo tartamo oo u bannaan xubin kasta oo golaha dhexe ee xisbiga ka tirsan misana buuxisa shuruudaha iyo xeerarka murashaxnimada guddoonka xisbiga kulmiye.

Cadceed sacab maqariyee xaqiiqdaa waxay tahay oo cad in BEEN GO LAGU DEDEY oo kuraastaa saddex kursi oo ka mid ah aan lagu tartamayn kuwaas oo kala ah, aynu u kala xidhan yihiin;
1. Muuse Biixi Guddoomiye
2. Maxamed Kaahin Guddoomaye Ku-Xigeenka 1aad
3. Axmed Cabdi-Dheere Guddoomaye Ku-Xigenka 3aad

Balse, Booska loo dan leeyahay ama ujeeddada iyo sirtu ku jirto ayaa ah Booska guddoomaye Ku-Xigeenka 4aad kaas oo uu ku fadhiyo Madaxwayne Ku-Xigeen Somaliland Md. Cabdiraxmaan Saylici.

Ujeeddada Aan Kuraasta Kale Loogu Tartamayn Ayaa Ah;

1. Qasti meesha lagaga saarayo Madaxweyne ku-xigeen Cabdiraxmaan Saylici oo ah Aasaasihii u dambeeyey iyo ruug cadaagii ama xisbiyahankii Madaxweyne Siilaanyo ku-xigay ee xisbiga jiritaankiisa jeclaa ama furaha guusha u ahaa.

2. Xaalufin ama xisbi kasaarid xubnihii ugu muhiimsanaa ee kasoo jeeday beelihii aasaasay xisbiga kulmiye iyadoo hore uu xilka gudoomiye u wareejay Axmed Siilaanyo oo Habar jeclo kasoo jeeday iyo Cabdiraxmaan Saylici oo kursigii Maxamed case ku fadhiyay iyadoo labadaa beelood ahaayeen beelihii xaqa koobaad kulahaa xisbiga kulmiye.

3. Waxa kalo jirta cabsi laga qabo inay isbaahaystaan Cabdiraxmaan Saylici iyo Maxamuud Xaashi oo kasoo kala jeeda reerihii xisbiga aasaasay ee Maxamed Case iyo Habar jeclo.

4. Alkumida Colaad siyaasadeed oo lagu abuurayo ayna beelaha Maxamed Case oo ay qasab tahay in ay abuuranto hadii Maxamed Case kursigiisa cid jeebka lagu wato oo xisbiga xaq aan ku lahayn.

5. Colaadaha. Siyaasadeed oo sababta loo abuuraya ay tahay in lahelo jiho Shacabka Somaliland lagu mashquuliyo si loo helo fursad dalka loogu maamusho nidaam xaaraan ah.

Si kastaba ha ahaatee, beesha Maxamed Case ayaa ah beel maal, muruq iyo maskaxba ku darsatay xisbiga kulmiye oo aan sinaba ku qaadanayn in sahal lagagala wareego ama bannaanka lagaga dhigo xisbiga kulmiye.

Qorshayaashan ayaa siyaasiyiin gaar ah lagula dagaalamayaa kuwaasoo ay kamid yihiin Cabdiraxmaan Saylici iyo Prof Axmed Samatar oo isagu hankii uu xisbiga kulmiye kulahaa kaga hadhay markuu ogaaday in aan la ogolayn in si xor ah gudoomiyaha xisbiga loogu tartamo oo beeshiisa Maxamed Case shirqoolo siyaasaddeed loo maleegayo.

Prof Axmed Samatar ayaa hadaba leh qorshayaal siyaasadeed oo uu kaga war sugayo halka uu Muuse Biixi dhigo ama in uu ka dhabeeyo shirqoolada siyaasadeed ee uu Maxamed Case la damacsan yahay. Prof Axmed Samatar ayaa dhaar iyo Wacad ku maray hadday taasi dhacdo in aanu sii waari doonin xisbiga kulmiye ama aanay tallo gudo iyo siyaasad dibadeed midna u toosi doonin kulmiye oo uu dagaal siyaasaddeed la geli doono iyada oo Dhanka kale guud ahaan Maxamed Case uu taasi qabo ayna qasab tahay in halkaa ay dib uga Aloosmaan Colaaddihii hore ee beelaha deegaan wadaaga ah. Maxamed Case ayaa hore dulmi iyo sadbursi ugu dulqaadanayey Xukuumadda Muuse Biixi iyaga oo ku aamusnaa xisbinimada kulmiye balse haddii maanta tan u raacdo ay yeeli doonaan sikasta oo ay u waxyeelaynayaan Xukuumadda Muuse Biixi iyo sikasta oo ay ku helayaan xaqa iyo saamiga kaga maqan.

Mida ugu daran ayaa noqonaysa in aanay isku sal banaanaan doonin Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Saylici taas oo tallada dalka iyo hoggaaminta Muuse Biixi dhaawac weyn ku noqon doonta.

W/Q: Faarax Cige Nuur
Prof_Faarax@gmail.com

COMMENTS
Latest News