qorilugudnews24.com
Amiirkii Dalka Kuwait Sheikh Sabah Al-Ahmad Oo Maanta Ku Geeriyoodey Waddanka Maraykanka.
September 29, 2020 - Written by qoriadmin

Burco-(QorilugudNews24)-Amiirkii Muddada Dheer Soo xukumaayey Dalkaasi Kuwait Sheikh Sabah Al Ahmad Al Sabah Ayaa Maanta Geeriyoodey Isaga Oo 91 Jir Ah, Waxaa Sidaas Sheegay Talefishinka Dawladda.

“Iyada oo Murugo weyn ay tahay, Waxaan la Tiraanyooneynaa dhimashada Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah, Amiirkii Dalka Kuwait,” Waxaa sidaas yidhi Sheikh Ali Jarrah Al-Sabah, oo ah wasiirka arrimaha boqortooyada, oo la hadlay Telefishinka Dawladda.

Sheikh Sabah ayaa waxaa laguu xusuusan doonaa Diblomaasiyadiisi Siyaasadda Bariga Dhexe ee uu isku deyey in uu ku Xalliyo khilaafka u dhaxeeya Qatar iyo dawladdo kale oo Carbeed, oo ay ka Mid yihiin Sacuudiga iyo Imaraadka.

Sheikh Sabah ayaa waxaa lagu wadaa in uu Bedeli Doono Walaalkii, ahna Dhaxal-Sugaha, Sheikh Nawaf Al-Ahmad Al-Sabah.

Sheikh Sabah Ayaa Ahaa 91 jir. Waxaa la keenay dalka Maraykanka gaar ahaan Magaalada Rochester Ee Gobolka Minnesota Bishii July kadib Markii Ay Masuuliyiinta Dalkaasi Sheegeen in uu Xanunsanayo.

Ka hor inta aanu noqonin Amiirka waxa uu ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalkaasi Muddo ka badan 40 Sannadood.
Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News