qorilugudnews24.com
War Deg Deg Ah: Ciidamo Ka Amar Qaata Madaxweynihii Hore Ee Maamulka Villa Somalia Mr. Farmaajo Oo Caawa Weerar Ku Qaaday Hotel Ay Degen Yihiin Qaar Ka Mid Ah Madaxda Midowga Musharixiinta
February 19, 2021 - Written by qoriadmin

Muqdisho-(QorilugudNews24)-Ciidamo Ka Amar Qaata Madaxweynihii Hore Ee Maamulkaasi Villa Somalia Mr. Maxamed Cabdillahi Farmaajo Ayaa Caawa Weerar Ku Qaaday Hotel-ka Maa’ida Ee Magaalada Muqdisho, Kaas Oo Hoy U Ahaa Qaar Ka Mid Ah Madaxda Midowga Musharixiinta Ee Somalia, Kuwaas Oo Ay Ka Mid Yihiin Md. Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Md. Xasan Sheekh Maxamuud Iyo Sheekh Shariif Sheekh Aadan, Welina Lama Oga Khasaaraha Badhta Ah Ee Uu Dagaalkaasi Sababay.

Warar Lagu Kalsoon Yahay Oo Aanu Ka Helnay Qof Goob-Jooge Ah Ayaa Noo Xaqiijiyey In Jab Culus Loo Geystey Ciidankii Weerarkaasi Soo Qaaday, Isla Markaana Dib Loo Caabiyey.

La Soco Goor- Dhow Wixii Dheeraad Ah Ee Ammuurtaas Ku Soo Kordha.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News