Ardayda Jaamacadda Alpha University Ee Burco Oo Maanta Adeegyo Caafimaad Oo Bilaash Ah Ka Fuliyey Deegaanka Beer Ee Gobolka Togdheer.
February 21, 2021 - Written by qoriadmin
Burco-(QorilugudNews24)-Ardayda Wax Ka Barata Jaamacadda Alpha University, Gaar Ahaan Faraceeda Magaalada Burco Ayaa Maanta Adeegyo Caafimaad Oo Bilaash Ah Ka Fuliyey Deegaanka Beer Ee Gobolka Togdheer, Adeegyadaas Oo Isugu Jirey, Baadhis, Ogaanshaha Iyo Wax Ka Qabashada Carruurta La Tabaaleysan Xanuunada Iyo Nafaqo Darrada Is Barkan.
Adeegyadaas Caafimaad Oo Loogu Tallo Galay In La Gaadhsiiyo Bulshada Intii La Awoodo, Si Loo Gaadho Bulsho Ay Dadkeedu Fiyow Yihiin Dhinaca Jidhka, Maskaxda Iyo Bulshonimadaba.





















