|
|||||
qorilugudnews24.com
Ururka Suxufiyiinta Somaliland Oo War Ka Soo Saaray Dhacdadii Hoodo Gareys Iyo Booliska.
February 24, 2021 - Written by qoriadmin
Warsaxafaddeedkan Ayaa Waxa lagu yidhi “Ururka Suxufiyiinta Somaliland oo u taagan ilaalinta xuquuqda Suxufiyiinta, waxa uu ka digayaa in Suxufiyiinta lagula kaco tallaabo kasta oo u ekaanaysa in ay baal marsan tahay shuruucda dalka ee xoriyada siinaysa suxufiyiinta si la mid ah muwaadiniinta kale ee Reer Somaliland. Sidaa Darteed Ururka suxufiyiinta Somaliland waxa uu ku baaqaya, in arrinka weriye Hoodo Garays oo Cabasho ka muujisay sidii loogula dhaqmay Saldhigga Qudhac-Dheer, Ay Hay’addaha sharciga ee Ay Arrintaasi khusaysaa ay ubaadhan si Madax-bannan oo Cadaladdi ku dheehantahay si loo ogaado saxnimada dhacdadaas. Ururka suxufiyiinta ayaa sidoo kale ku baaqay in la ilaaliyo xaqa iyo xuquuqda uu Dastuurka Somaliland u damaanad qaaday suxufiyiinta.
COMMENTS
|
Latest News
|