qorilugudnews24.com
Dagaal Culus Oo Ka Socda Duleedka Magaalada Boosaaso Ee Xarunta Gobolka Bari, Kaas Oo La Isu Adeegsanayo Hubka Noocyadiisa Kala Duwan..
March 5, 2021 - Written by qoriadmin

Boosaaso-(QorilugudNews24)-Waxaa Duleedka Magaalada Boosaaso Ee Xarunta Gobolka Bari Ee Maamulka Puntland, Ka Socda Dagaal Culus Oo La Isu Adeegsanayo Hubka Noocyadiisa Kala Duwan, Kaas Oo U Dhaxeeya Ciidamada Puntland Iyo Xoogggag Ka tirsan Al-Shabaab, Sida Ay saraakiili U Sheegeen Idaacadda BBC-da.

Madaxweynaha Puntland ayaa maanta gaaray magaalada Boosaaso

Dagaalkan ayaa daba socday weerar ay xubno ka tirsan Al-shabaab xalay ku qaadeen Xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso.

Al-Shabaab ayaa sheegatay in ay xabsiga Dhexe ee Boosaaso ka sii daayeen ilaa 400 oo maxbuus oo ka xidhnaa. Xabsigan waxaa ku jiray xubno ka tirsanaa Al-Shabaab iyo daacish oo hore loogu riday xukunno kala duwan.

Intooda badan ayey maamulka Puntland sheegeen in lagu qabtay dagaallo Puntland iyo Al-Shabaab dhex maray 216-kii.

Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo la qabtay

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Puntland ayaa BBC-da u xaqiijiyay in uu wali dagaal ka socdo dhulka buuraleyda ah, isagoo intaasna ku daray in ay 14 maxbuus ka qabteen Al-Shabaab.

Booso

Dhinaca kale laamaha amniga ee Puntland ayaa howlgallo ka wada xaafado ka tirsan Boosaaso, waxaana sidoo kale ciidan lagu gadaamay xabsiga la weeraray, iyadoo tirokoob lagu sameynayo maxaabiista.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta safar ku tagay magaalada Boosaaso, halkaasoo uu u tagay u kuurgelida xaaladda amni ee magaaladda iyo guud ahaan Gobolka, sida lagu sheegay war kasoo baxay madaxtooyada Puntland.

Deni ayaa kulamo la yeeshay saraakiisha amniga ee gobolka Bari.

Xog badan lagama hayo inta uu leegyahay khasaaraha ka dhashay weerarkii xalay iyo dagaalka hadda socda ee u daxeeya labada dhinac.

Qaar ka mid ah warbaahinta maxalliga ah ayaa soo tabiyay in askar ka tirsan ciidanka Puntland lagu dilay weerarkaas oo loo adeegsaday qaraxyo iyo rasaas.

Taliyaha qeybta booliska gobolka Bari, Xuseen Cali Maxamuud oo warfidiyeenka kula hadlay Boosaaso ayaa xaqiijiyay in dabley hubeysan ay gudaha u galeen xabsiga, markii dambena halkaas la geeyay ciidamo gurmad ah oo dib u qabsaday goobta la weeraray.

Faahfaahin taliyuhu kama bixinin khhasaaraha ka dhashay weerarka inkastoo laga soo xigtay in uu jiro khasaare isgu jira dhimasho iyo dhaawac.

Source: BBC.

COMMENTS
Latest News