qorilugudnews24.com
Siyaasi Maxamuud Xaashi Oo Kulan La Yeeshay Safiirka Midowga Yurub U Qaabilsan Somaliland Iyo Somalia.
March 6, 2021 - Written by qoriadmin

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa kulan la yeeshay Danjiraha Dawladaha Midowga Yurub U Qaabilsan Somaliland Iyo Somalia Nicolas Berlanga.

Kulankan oo ku qabsoomay Hab Online ah, iyadoo la adeegsanayo Aaladda la iska arko ee loo Yaqaano Zoom, ayaa waxa Maxamuud Xaashi ku Wehelinayey Cadnaan Saleebaan Hagoog oo ka tirsan Xafiiska Midowga Yurub ee Magaalada Hargeysa, kaasi oo isagu ka shaqeeyey kulanka Amb. Nicolas iyo Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi.

Kulanka oo qabsoomay horraantii bishii dhamaatay ee February, 2021, shirkaas ayaa waxyaabaha lagaga wada-hadlay Waxa Ka Mid Ah Doorashooyinka isku Sidkan ee U Qorshaysan in ay Somaliland ka dhacaan 31-ka Bisha 5aad ee Sannadkan.

 

Waxa kale oo sida la sheegay shirka lagaga wada-hadlay Xanuunka Covid_19 oo dunida ku soo laba-kacleeyEy, Nabadgalyada dalka, gaar ahaan Xaaladda Gobollada bariga Somaliland, maaddaama oo ay tahay xilli loo diyaar-garoobayo doorashooyinka Golayaasha Wakiilada iyo Deegaanka oo hal mar la wada qabanayo.

Ilo-wareedyadu waxay intaa ku darayaan, inay jireen qodobbo kale oo ay ka wada-hadleen Safiirka Midowga Yurub iyo Siyaasiga Maxamuud Xaashi, laakiinse qodobadaasi kale ayaa ahaa kuwo xogtooda aad loo ilaaliyey.

Maxamuud Xaashi oo Sannadkii hore ka cadhooday Xisbiga Kulmiye isla markaana aan ka Qayb-Gelin Shirweynihii Xisbiga Kulmiye, Ayaa Muddo Toddobaad laga joogo sheegay in Aanu Kulmiye ka bixin, balse uu Doodiisii Qabo.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News