qorilugudnews24.com
Maxaad Kala Socotaa Fadeexadaha Dul Hoganaaya Maamuladii Kala Dambeeyey Ee Soo Mara Gobolka Togdheer Iyo Kan Degmada Burco Iyo Guud Ahaanba Shacabka Gobolkaasi.
March 12, 2021 - Written by qoriadmin

Burco-(QorilugudNews24)-Magaalada Burco Ee Xarunta Gobolka Togdheer Ayaa Waxa Ay La Kulantay Dulmi Iyo Tacadi Aad Baahsan Oo Hagaasiyey, Kuwaas Oo Ay Kala Kulantay Dhammaan Xukuumaddihii Kala Dambeeyey Ee Somaliland Soo Maray, Ha Ugu Sii Daraato Tan Maanta Joogta Ee Tallada Dalka Haysa, Waxaana Guud Ahaanba Meesha Ka Baxay Xarumihii Dawladdeed Iyo Goobihii Caamka Ahaa Ee Ee Bulshada Loogu Adeegi Jirey, Halka Ay Magaalooyinkii Yar-Yaraa Iyo Dhammaan Tuulooyinkii Ku Yaalley Galbeedka Somaliland Laga Qotomiyey Xarumo Dawladdeed Oo Casri Ah Iyo Goobo Dabaqyo Dhaadheer Iyo Wada Muraayado Ah, Halka Aanay Magaalada Burco Ka Helin Wax La Taaban Karo Oo Xarumo Dawladdeed Ah Oo Ku Soo Biiray Tan Iyo Intii Lagu Dhawaaqay Gooni Isu Taagga Somaliland, Bal Iska Daaye Waxa Dayacan Oo Aan Wax Daryeel Ah Iyo Dib U Dhis Toona Helin Xarumihii Hore Ee Ay Dawladdii Gumeystaha Ingiriisku Ka Tagtay, Iyada Oo Intii Badnayna La Bililiqaystay Oo Ay Gacanta U Galeen Dad Gaar Ah Oo Shicib Ah.

Waxa Keliya Ee Magaalada Burco Ku Soo Biiray Ama La Dayac-Tiray Ee Aan Ka Xusi Karaa Waa Guriga Martida, Jeelka Weyn Iyo Wasaaradda Hawlaha Guud Oo Dhammaantood La Dhisay Xilligii Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo.

Haddaba Waxa Ay Dad Badani Isweydiinayaan Halka Ay Sartu Ka Qudhuntay, Sida Ay Wax U Jiraan Iyo Cidda Ay Dhaliishaasu Dusha Ka Saaran Tahay Ee Iyadu Dayacaas Iyo Sababtaas Iska Leh, Waa Maxayse Nacaybka Iyo Naxliga Gaamurey Ee Ay Reer Galbeedku U Qabaan Magaalada Burco Iyo Dhammaan Gobollada Bariga Somaliland?.

Waxa Kale Oo Aan Iyana Shaki Ku Jirin In Dhibaatada Iyo Dib U Dhaca Ku Habsadey Magaalada Burco Ay Qayb Weyn Ku Leeyihiin Maamulada Fadhiidka Ee Hadba Tallada Gobolka Iyo Tan Degmada Burco Loo Soo Macmalo, Kuwaas Oo Inta Badan Iska Magac U Yaal Uun Ah Ama Waxa Loo Yaqaano (Asal Ma Doorshe).

Waxa Kale Oo Iyana La Odhan Karaa, In Ay Dhibaatada Qayb Ka Tahay Qabyaaladda Indhaha La’ Ee Mar Walba Shacabka Magaaladaasi Lagu Soo Dhex Tuuro, Taas Oo Inta Badan Laga Soo Waaridu Gobollada Galbeedka Somaliland, Gaar Ahaan Magaalada Hargeysa, Si Ay Burco Iyadu Uun Isugu Mashquusho Ama Isugu Habsaanto, Taas Oo Bulsho-Weyntii Magaalada Burco Iyo Guud Ahaanba Gobollada Bariga Somaliland Geyeysiisey, Dib U Dhac Baahsan Iyo Horumar La’aan, Kaas Oo Aan Weligood Hore U Soo Marin, Sida Looga Soo Kabtaana Ay Adkaan Doonto Ama Ay Waqti Dheer Qaadan Doonto.

Ugu Dambay Bulshada Reer Burco Ayaa Waxa Ay U Muuqdaan Dad Mayeedhaan Ah Oo Aan Hadloon Karin, Isla Markaana  Aan Ogeynba Waxa Ka Maqan Iyo Dulmiga Ay Ku Hoos Jiraan, Laakiin Ku Qanacsan Oo Keliya Hadba Hebelka Meesha U Fadhiya Ee Magac U Yaalka Ah, Kaas Oo Aan Iyaga Waxba Ugu Fileyn, Balse Ay Ku Taageeraan Keliya Qabyaalad Yar Oo Indho Iyo Dhego La’, Oo Aan Geedkaas Dhaafsiisnayn, Arrintaas Oo Dhaxalsiisay Dib U Dhac, Horumar La’aan Iyo In Lagu Maadsado Oo Ay Maanta Tuulooyin Yar-Yari Oo Ka Hoos Baxay Gobolkii La Odhan Jirey Waqooy-Galbeed Ay Isku Dhereriyaan Magaaladii Burco-Cadeey Iyo Gobolkii Ragga Ee Soo Jireenka Ahaa, Isla Markaana Mar Ahaan jirey Caasimaddii Hore Ee Somaliland Iyo Xaruntii Gobolkii La Odhan Jirey Waqooyi-Bari…..Yaab.

La Soco Qaybta Labaad ….. Faalladuna Waa Idinka Xaggiina Saaxiibayaal.


The Town of Burao, the Capital of Togdheer region, has been subjected to widespread oppression and abuse by all Successive governments of Somaliland, let alone the current Government buildings and public places have been completely Shut Down, While Small Towns and all Villages in Western Somaliland have been set up with ModernGgovernment Buildings and High-rise Buildings and Mirrors.

The City of Burao has not received any Tangible Government Facilities Since Declared Independence of Somaliland, Ignore the neglected and Unrepaired Facilities left behind by the British colonial government, with most of them looted and taken over by private individuals. .

The Only Ones that have joined or been renovated in Burao are the Guest House, the Central Jail and the Ministry of Public Works, all of which were built during President Silanyo’s government.

So many People are Wondering where the building is rotten, how it is and who is to blame for this negligence and why, but what is the Hatred and Bigotry that the West has for Burao and all the Regions OF Eastern Somaliland?.

There is also no doubt that the problems and delays that have befallen the city of Burao have Played a major role in the stagnant administrations of the Regional and local Administrations of Burao, which are often Merely Name-Calling Ama Loo Yaqaano (Asal Ma Doorshe) (Origin Does Not Change).

It can also be said that the problem is part of the blind tribalism that is constantly thrown at the people of that city, which is mostly imported from the western regions of Somaliland, especially the city of Hargeisa, so that Burao itself. at late or busy, which is a community-Weyntii Burao and across the eastern regions of Somaliland Geyeysiisey, Mass delays and lack of development, which is never a way forward, as it will be difficult to Kabtaana or long-term Will Take.

In the end, the people of Burao seem to be ignorant and do not know what they are missing and the oppression they are under, but they are satisfied only with the name of the person who is sitting there, which is Not enough for them, but only supported by a few blind and deaf tribes, who did not go beyond that tree, which resulted in backwardness, lack of development and ridicule and today small villages under it. went State named Northwest same Dhereriyaan city Burco-capable and State men’s traditional, and was held once again at the center of Somaliland State named Northeast… ..Wonderful.
Stay tuned for Part Two… .. And the comment is from you friends.
By: Aarjeberti

By: Aarjeberti
QN24 WebNews Chief Editor.

COMMENTS
Latest News