qorilugudnews24.com
Dib U Milicso Guutadii Koowaad Ee Ugu Awoodda Badnayd Ururkii SNM, (Somali National Movement) Iyo Doorkii Shariifka Ahaa Ee Ay Ku Lahayd Halgankii Qadhaadhaa Ee Xukunka Lagaga Tuuray Keligii Taliye Siyaad Barre.
March 29, 2021 - Written by qoriadmin


Muuqaalkani Waa Mid Ka Mid Ah Saldhiyaddii Ay Lahayd Guutadii Koowaad Ee SNM.


Burco-(QorilugudNews24)-Bal Aynu Dib U Milicsano Taariikh Kooban Oo Ku Saabsan, Guutadii Koowaad Ee Ugu Awoodda Badnayd Ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed Ee SNM, (Somali National Movement) Iyo Doorkii Shariifka Ahaa Ee Ay Guutadaasi Koowaad Ku Lahayd Halgankii Qadhaadhaa Ee Xukunka Lagaga Tuuray Keligii Taliye Maxamed Siyaad Barre.

Halgankaas Oo Ahaa Mid Aan Loo Wada Sinayn Ayaa Waxa Hadda Soo Baxay In Kuwii Cararay Ee Gaas-Daqiiqa Ahaa Iyo Kuwii Qamandida Ku MiisI Jirey Xeryihii Qaxootiga Ee Dalkaasi Ethiopia Ay La Shir-Yimaadaan Taariikho Been Abuur Ah Iyo Waxyaabo Male-Awaal Ah Oo Aanay Waxba Ka Jirin, Isla Markaana Faankoodii Laga Fadhiyi Waayo.

Balse Shaki Kuma Jiro In Halgankii Iyo Dhibkii Waddankan Loo Soo Maray Lakala Badsaday, Kuwii Uu Dhibka Ugu Badi Ku Dhacayna Aanay Weli Abaalkoodii Helin, Kana Qatan Yihiin Dheeftii Iyo Waxtarkii Somaliland, Halka Ay Kuwii Cararay Ee Fulayaasha Ahaana Ay Maanta Leeyihiin Shan Badhyood Iyo Caloolo Waawey Oo Aad Geel Rimay Ah Aad Moodid, Isla Markaana Gaar Looga Yeelay Ilihii Dhaqaalaha Iyo Hantidii Ay Ummadda Reer Somaliland Wada Lahayd Ee Loo Sinaa, Haddana Laga Joogi La’ Yahay Caydoodii Iyo Faankoodii Oo Ay Maalin Walba Sidii Xaawaleyda Warbaahinta Noola Soo Fadhiistaan Cay, Xin, Faan Iyo In Ay Soo Qaataan Dad Beri Hore Digo Ku Gubtey Ama Awr Cunay Sawiradooda, Oo Ay Noogu Sheegaan In Ay Ahaayeen Mujaahidiin, Waase Doqon Iyo Abaalkeed.

La Soco Qaybaha Dambe……………Faalladuna Waa Idinka Xaggiina Saaxiibayaal!!.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News