qorilugudnews24.com
Kornayl Doolaal Waxa Uu U Xidhan Yahay Saddex Nin Oo Isku Reer Ah, Muuse Biixi, Nuux Taani, Iyo Taliyaha Miiska Saraakiisha Oo Ah Nin Reer Samatar Ah.
April 2, 2021 - Written by qoriadmin

London-(QorilugudNews24)-Kornayl Doolaal Waxa Uu U Xidhan Yahay Saddex Nin Oo Isku Reer Ah, Muuse Biixi, Nuux Taani Iyo Taliyaha Miiska Saraakiisha Oo Ah Nin Reer Samatar Ah, Waa Dulmi Doolaal Oo Ahaa Raggii Dalkan Xoreeyey Ee Naftoodana U Soo Huray, Oo Ay Lafo Xoolaadna Madaxda Kaga Jiraan Oo Macaan Leh, Oo Haddana Xanuusanaya In Lagu Dheel Dheelo Maanta, Ciddina Idinka Yeelimayso Illaahayna Idinka Yeeli Maayo, Annaguna Idin Ka Yeeli Mayno.
Haddaba Haddii Aanu Nahay Aqoon-Yahanka Waxgaradka Ee Jaaliddaha Reer Somaliland Ee Waddamada UK Iyo North America, Waanu Kaaga Digaynaa Dulmiga Muusoow.

Waxa Kale Oo Aanu Leenahay Madaxweyne Muuse Biixi Ciddina Kaa Yeelimayso Illaahayna Kaa Yeelimaayo Dulmiga Aad Doolaal Ku Samaysay, Waxaad Baabi’isay Xisbigii KULMIYE, Waxaad Cunaha Qabtay Horumarkii Dalka, Waxaad Xidhatay Ilihii Dhaqaalaha Ee Dalka Iyo Diyaaradihii, Waxaad Dulmi Qaawan Ku Haysaa Bulshada Reer Somaliland, Maantana Waxaad U Soo Dhigatay, Mujaahidkii Ugu Geesisanaa Halgankii Hubaysnaa Ee Dalkan Loo Soo Maray, Muusow Waxaad U Dhaqamaysaa Sidii Nadaamkii Keligii Taliye Maxamed Siyad Barre, Siyaasadna Garan Maysid Aqoon Ku Celisana Ma Lihid Illaahay Ka Cabso, Si Deg Deg Ahna Waa Inaad U Sii Daysaa Mujaahid Kornayl Doolal , Xaal Iyo Raali-Gelina Aad Siisaa, Haddii Kale Waxa Aad Ka Heshaan Ayeynu Arki Doona, Xaqa Illaahay Haku Garansiiyo.

By: Jaaliyaddaha Reer Somaliland Ee Waddamada UK Iyo North-America.

COMMENTS
Latest News