|
|||||
qorilugudnews24.com
Waa Maxay Sababta Ay Beesha Habar-Jeclo Afka Uga Xidhatay Xadhigga Xaq-Darrada Ah Ee Lagula Kacay Mujaahid Doolaal Iyo Saraakiisha Kale Ee Muddada Dheer Buulka Laga Dhigay???.
April 3, 2021 - Written by qoriadmin
Shakina Kuma Jiro In Ay Arrintaasi Durba Dhaawac Weyn U Geysatey Sumcaddii, Karaamadii Iyo Sharaftii Ummaddeed Ee Ay Beeshaasi Caanka Ku Ahaan Jirtey, Waxa Kale Oo La Yaab Leh, Sida Ay Beeshaasi Uga Saqiirtay Xag Siyaasaddeed, Xag Dhaqaale Iyo Hadday Tahayba Xaggii Madax-Dhaqameedka, Iyada Oo Ay Hadda Beesha Hor Boodayaan Salaadiin Yar-Yar Oo Itaxaad Ah, Kuwaas La Xaqiijiyey In Ay Ku Mashquulsan Yihiin Keliya Sheerar Ganacsi Oo Ay Cid Kale Kula Jiraan Iyo Sidii Ay Maal Badan U Yeelan Lahaayeen, Xukuumadda Kulmiyena Ka Qaata Waxoogaa Sandareero Ah Oo Hadba Loo Soo Tuuro, Si Dadkooda Loogu Bah-Dilo Amaba Loogu Adeegsado.
Waxa Iyana Wax Laga Xishoodo Ah In Ay Maanta Beel-Weyntii Habar-Jeclo Siyaasadda Ku Metelaan Guddoomiye Xinif, Maxamuud Raage Iyo Wax La Mid Ah Oo Aan Geeridii Nebigaba Ogeyn Iyo Meel La Isla Marayo Toona, Kuna Qanacsan Oo Keliya Xilka Madhaleyska Ah Ee Ay Ku Idman Yihiin, Kaas Oo Ah Mid Magac-U Yaal Oo Aan Wax Macno Ah Lahayn, Arrintaas Oo Ah Runtii Wax Lagu Qoslo Ama Laga Xishoodo, Waxayna Taasi Ku Tusunisaysaa Jabka Iyo Siyaasad-Guurka Baahsan Ee Beeshaasi Soo Wajahay, Waxayna Maanta Habar-Jeclo Noqotay Dadka Loogu Hadal Haynta Badan Yahay Ee Lagaga Maadsado Maqaaxiyaha Iyo Goobaha Kale Ee Ay Bulshadu Ku Kulanto.
Waxaanse Ka Digayaa In Hadhow La Hab-Hableeyo Marka Ay Xeedho Iyo Fandhaal Kala Dhacaan Ee Ay Arrintu Faraha Ka Baxdo, Gaadhana Meel Aanay Ciddina Waxba Ka Qaban Karin, Waxa Kale Oo Aan Ka Digayaa In La Is Kalifo, Dalkana Loo Horseedo Dagaal Iyo Wax Aan La Mahadin Dooniin.. Ugu Dambayn Arrintu Waxa Ay Maanta Maraysaa…..Adduunyooy Xaalkaa Be’……Mar Haddiiba Uu Habar-Jeclo Xaalkeedii Halkaa Marayo!!!!. La Soco Qaybaha Dambe… Faalladuna Waa Idinka Xaggiina Saaxiibayaal.. Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com
COMMENTS
|
Latest News
|