qorilugudnews24.com
Tacsi: Illaahay Ha U Naxariisto Marxuum Khaliif Cabdillaahi Xasan Oo Habeen Hore Ku Geeriyoodey Cusbitaalka Guud Ee Magaalada Burco…Aamiin.
April 8, 2021 - Written by qoriadmin

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun…Geeridu Waa Xaq…

Helsinki-(QorilugudNews24)-Haddii Aanu Nahay Dhammaan Family Jeberti Waxa Aanu Halkan Tacsi Tiiraanyo Leh Uga Diraynaa Dhammaan Reer Cabdillaahi Xasan Meel Kasta Oo Ay Joogaanba, Annaga Oo Uga Tacsiyadaynayna Geeridii Naxdinta Lahayd Ee Ku Timi Alle Ha U Naxariistee Marxuum Khaliif Cabdillaahi Xasan, Oo Habeen Hore Ku Geeriyoodey Cusbitaalka Guud Ee Magaaladaasi Burco, Waxaanuna Leenahay Illaahay Marxuumka Ha U Naxariisto, Dembigiisana Ha Dhaafo, Qabrigiisana Ha U Waasiciyo, Jannooyinkiisana Haku Macsuumo, Samir Iyo Iimaan Saadiqa Iyo Bedel Khayr Qababana Haka Siiyo Dhammaan, Qoyskii, Carruurtii, Qaraabadii Iyo Asxaabtii Uu Ka Baxayba Iyo Guud Ahaanba Dhammaanteen…Aamiin….Aamiin.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun…Geeridu Waa Xaq…

By: Aarjeberti

COMMENTS
Latest News