qorilugudnews24.com
General Doolaal Oo Lagu Eedeeyey In Uu La Xidhiidhay Qof Ay Qaraabo Yihiin Oo Xamar Jooga, Halka Uu Madaxweyne Muuse Biixina Habeen Walba La Xidhiidho Adeerkii Cabdi Xaashi Oo Xamar Jooga, Taas Oo Ah Khiyaano Qaran, (High Treason).
April 11, 2021 - Written by qoriadmin

Burco-(QorilugudNews24)-Maxkamadda Ciidamada Ee Taliska Hargeysa Ayaa General Jaamac Maxamuud Aadan (Doolaal) Ku Xukuntay Laba Sanno Oo Xadhig Ah, Kadib Lagu Soo Eedeeyey In Uu La Xidhiidhay Qof Ay Qaraabo Yihiin Oo Xamar Jooga, Arrintaas Oo Ah Wax Aad Loola Yaabo, Runtiina Lagu Qoslo Oo Aanay Waxba Ka Jirin, Haddiba Se Ay Dembi Tahay In Lala Xidhiidho Qof Xamar Jooga, Waxa Aynu Wada Ogsoonahay In Madaxweyne Muuse Biixi Uu Habeen Walba Telefoon Kula Xidhiidho Guddoomiyaha Aqalka Sare Ee Dalkaasi Oo Ah Adeerkii Cabdi Xaashi Oo Xamar Jooga, Markaa Haddiiba La Isku Xidhaayo Ama Ay Dembi Noqotay Qof Xamar Jooga Ayuu Hebel Lala Xidhiidhay, Madaxweyne Muuse Biixina Waa In Si Deg Deg Ah Maxkamd Loo Soo Taagaa, Waayo Waxa Uu La Xidhiihaa Adeerkii Cabdi Xaashi, Sidaas Daraadeed Waxa Uu Ku Kacay Khiyaano Qaran, (High Treason).
Waxa Kale Oo Aan Maalin Walba Idaacaddaha Ka Dawaanaa Fannaaniintii Iyo Carruurtii Uu Muuse Biixi Adeerka U Ahaa Oo Xamar Ka Degeya, Kana Soo Niikinaaya, Iyo Kuwii Qurba-Joogta Ahaa Ee Uu Iyana Adeerka U Ahaa Oo Marna Puntland Ka Degaya Marna Xamar, Haddana Lagu Soo Dhaweynayo Madaxtooyada Somaliland, Arrintaas Oo Dad Badan La Yaab Ku Noqotay, U Baahan In Si Weyn Daba-Gal Iyo Daraasad Loogu Sameeyo.
La Soco Qaybaha Dambe.
By: Sadaam Cali Qawdan
Burco, Somaliland.

COMMENTS
Latest News