qorilugudnews24.com
Dagaal Mar Kale Dib Uga Qarxay Deegaanka Holhol Ee Gobolka Sool, Kaas Oo Dhaliyey Khasaare Kala Duwan Oo Isugu Jira Dhimasho Iyo Dhaawac.
April 15, 2021 - Written by qoriadmin

Laascaanood-(QorilugudNews24)-Wararka Ka Imanaya Deegaanka Holhol Ee Koonfurta Gobolkaasi Sool Ayaa Sheegaya In Uu Dagaal Mar Kale Dib Uga Qarxay Halkaasi, Dagaalkaasi Oo U Dhexeeya Laba Ardaa Oo Walaalo Ah Ayaa Waxa Ku Naf-Waayeen Ilaa 5 Ruux Oo Isugu Jira Dhinacyadii Halkaasi Ku Dagaalamay, Halka Uu Dhaawacuna Intaas Ka Badan Yahay.
Dhinaca Kale, Qof Goobta Ku Sugan Oo Isagu Anala Soo Xiidhay, Isla Markaana Iska Diidey In La Magaciisa La Shaaciyo  Ayaa Noo Xaqiijiyey In Uu Weli Dagaalku Socdo, Isla Markaana Laga Yaabo In Uu Khasaaruhuna Intaas Ka Sii Kordho.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News