qorilugudnews24.com
Mujaahid Doolal Oo La Sheegay In Uu Iska Diidey In Uu Xabsiga Ka Baxo Kadib, Markii Soo Deyntiisi Lagu Xidhay In Darajada Lagala Hadho, Arrintaas Oo U Muuqata Shir-Qool Kale.
April 18, 2021 - Written by qoriadmin

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Mujaahid General Jaamac Maxamuud Doolal Ayaa La Sheegay In Uu Iska Diidey In Uu Xabsiga Ka Baxo, Kadib Markii Soo Deyntiisi Lagu Xidhay In Darajada Lagala Hadho Ama Laga Qaado, Xogahan Oo Ay Noo Xaqiijiyeen Dad Mujaahidka Ku Dhow-Dhow, Ayaa Waxa Ay Sheegeen In Ay Arrintaasi U Muuqato In Ay Tahay Shir-Qool Kale Iyo Daan-Daansi Aan Geedna Loogu Soo Gaban, Waxa Kale Oo Ay Arrintani Daaha Ka Feydeysaa Bay Yidhaahdeen Siro Iyo Xogo Dhagaraysan Oo In Muddo Ahba Huursanaa, Balse Ay Hadda Dad Badani Ku Baraarugeen.
Haddaba Waxa Aanu Mar Labaad Ka Digeynaa In Ay Arrintaasi Sii Socoto, La Iskana Ilaawo Xisaabaha Khaldan Ee La Isu Dhufsaday Iyo Riyada Beenta Ah Ee Aan Hadhow Socon Doonin, Haddii Kale Ha Loo Diyaar Garoobo Cawaaqib Xumada Ka Dhalan Doonta, Cidna Yaan Waxba Laga Siinin Wixii Laga Macaasho Iyo Caanaha Laga Lulan Doono.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News