qorilugudnews24.com
Wasaaraddaha Somaliland Ma Waxa Ay Wasaaraddo U Yihiin Oo Keliya Deegaano Gaar Ah, Mise Dalka Oo Dhan, Su’aashaasi Waxa Ay U Tallaa Bulshada Reer Somaliland??.
April 19, 2021 - Written by qoriadmin

Burco-(QorilugudNews24)-Wasaaraddaha Somaliland Ee Xilligan Dalka Ka Jira Ayaad Moodaa In Ay U Shaqeeyaan Oo Keliya Deegaano Gaar Ah, Iyada Oo Aad Arkaysid Sida Aan Gabashada Lahayn Ee Loo Kala Fadilay Deegaanadii Dalka Somaliland, Arrintaas Oo Soo Shaac Baxday Tan Iyo Intii Ay Xilka La Wareegtey Xukuumadda Maanta Tallada Haysa Ee Xisbiga Kulmiye.

Waxa Kale Oo Aynu Arkaynaa Sida Deegaanadii Qaarna Indhaha Iyo Dhegehaba Looga Furaystay Ama Looga Xidhay Loona Hagaasiyey, Halka Qaarna Loo Naas-Nuujinaayo Ee Gaarka Looga Yeelay Dhaqaalihii Dalka Iyo Deeqihii Ay Bulshada Caalamku Bixinaysey Keligood Gaarka Looga Yeelay, Iyada Oo Xataa Aynu Wada Arkayney In Mashruucii Injineer Yariisoow Ee Muqdisha Lagu Soo Saxeexay Lagu Horumarinaayo Magaalooyin Ka Mid Ah Magaalooyinka Somaliland Iyada Oo Aan Lala Gabanaynin, Ragna Maanta Lagu Xidh-Xidhaayo Dad Xamar Jooga Oo Ehelediisa Ah Ayuu La Xidhiidhay..Cajiib.

Waxa Kale Oo Jira Deegaano Ka Mid Ah Somaliland Oo Iyaguna Qaata Baad Oo Laga Baqo, Laguna Sasabo Dhaqaale Iyo Maashaariic Horumarineed Oo Kala Duwan, Kuwaas Aan Weliba Wax Cashuur Ah Bixin, Balse Qayb Laxaad Leh Laga Siiyo Cashuurta Ay Bixiyaan Deegaanada Kale Ee Somaliland, Iyada Oo Indhaha Laga Lalinaayo Deegaanadii Kale Ee Ka Sokeeyey, Isla Markaana Udub Dhexaadka U Ahaa Dhismaha Iyo Jiritaanka Somaliland, Arrintaas Oo Noqon Doonta Legasiga Keliya Ee Lagu Xasuusan Doono Rajimkan Hadda Somaliland Ka Taliya.

Ugu Dambayn, Waxa Aan Wada Sugeynaa Sida Ay Bulshada Reer Somaliland Uga Fal-Celiso Sida Ay Hadda Wax Ku Socdaan Iyo Waddada Khaldan Ee Ay Somaliland U Jahaysatey Iyo Halka Uu Xaalku Ku Dambeeyo…. Faalladuna Waa Idinka Xaggiina...

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News