qorilugudnews24.com
Shebekadda Burcoonline Oo U Muuqata In Ay Ka Mid Noqday WebSite-Beeleedyada Ay Adeegsadaan Xisbiga Uu Gabalkiisii Sii Dhacayo Ee Kulmiye Iyo Shaqsiyaadkii Ay Xukuumaddii Axmed Siilaanyo Ka Ledi Weydey.
April 24, 2021 - Written by qoriadmin

Burco-(QorilugudNews24)-Shebekadda Burcoonline Iyo Mulkiilaheeda Ayaa U Muuqda In Uu Ka Mid Noqday WebSite-Beeleedyada U Adeega Xisbiga Uu Gabalkiisii Sii Dhacayo Ee Kulmiye Iyo Shaqsiyaadkii Ay Xukuumaddii Axmed Siilaanyo Jiif Iyo Joogba U Diidey Ee Weliba Hubka U Adeegsadey, Isla Markaana Argagixisada Ku Tilaamay Masuuliyiin Miisaan Culus Ku Dhex Lahaa Xukuumaddii Waqtigaasi Ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Kuwaas Oo Haddana Ka Mid Ah Gacan-Yarayaasha Xukuumadda Maanta Tallada Haysa Ee Xisbiga Kulmiye, Qabyaaladda Iyo Naxligana Ka Soo Afuufa Daaha Dabadiisa.

Haddaba Arrintaas Ayaa Waxa Ay Inoo Muujinaysa Daciifnimada, Aqoon La’aanta Iyo Ficil La’aanta Haysata Mulkiilaha Mareegtaasi Burcoonline, Kaas Oo U Muuqda In Uu Sharaftiisii Iyo Karamadiisii Ku Iibsadey Waxoogaa Sandareero Ah Iyo Balaq Yar Oo Ay Hadba Kooxda Heego U Soo Tuurto.
Ugu Dambayn Waxa Aan Warkayga Ku Soo Gunaanadayaa,”Adeer Saadambe Ayaad Garan Doontaa, Bishuna Hartaada Ayey Iman Doontaa Ee Waa Inoo Casho Dhow.

War Qudhunkiina Huursada, Ileyn Kama Qashaaftaane!!!…….

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News