qorilugudnews24.com
Odayaasha Iyo Siyaasiyiinta Beelaha Bariga Burco Oo Weli Gaaf Wareegaya Xayn-Daabka Aqalka Madaxtooyada Ee Somaliland Iyo Madaxweyne Muuse Biixi Oo Wada Qorshe Dhabar Jab Ku Ah.
May 2, 2021 - Written by qoriadmin

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Madaxweynaha Somaliland Mr. Muuse Bixi Ayaa Maalmihii U Dambeeyey Ballamo Kala Duwan La Sameeyey Odayaasha Iyo Waxgaradka Beelaha Bariga Burco, Kuwaas Oo Muddooyinkii U Dambeeyey Ku Sugnaa Magaalada Hargeysa, Isla Markaana Madaxweynaha Somaliland Kala Hadlaayey Xadhigga Genaral Doolal Oo In Muddo Ah Ku Xidhnaa Magaalada Hargeysa Laguna Xukumay 2 Sanno Oo Xadhig Ah.
Odayaasha, Salaadinta Iyo Waxgaradka Beelaha Bariga Burco Waxa Hore Marti-Qadaad Ugu Sameeyey Madaxweyne Biixi, Marti Qaadkaas Oo Ku Yimi, Kadib Markii Mudo Habeeno Ah Ay Shacabka Magaalada Burco Wadeeen Mudaharaadyo Lagaga Soo Horjeedo Xadhigga Xaq Darrada Ah Ee Lagula Kacay General Doolal Oo Ka Mid Ahaa Ciidamada Qaranka Somaliland.

Salaadiinta Iyo Waxgaradka Ka Soo Jeeda Beelaha Bariga Burao Ayaa Hungo Ka Taagan Marti-Qaadkii Uu Madaxweyne Bixi Ugu Sameeyey Qalka Madaxtooyada Somaliland, Balse Salaadiinta Ayaa Hadda Waxa Ay U Soo Jeedaan Dhankaa Iyo Magaalada Burao Oo Ay Hore Uga Soo Safreen.

Ila Xogogaal Ah Ayaa Xaqiijiyey In Waxgaradka Iyo Salaantiida Beelaha Bariga Burco Ay Hadda Wadaan Kulamo Ay La Qaadanayaan Siyaasinta Iyo Guddoomiyaha Golaha Guurtida Ee Somaliland, Taasi Oo Ay Saluug Kaga Muujinayaan Taageerada Xukuumadda Madaxweyne Bixi Iyo Burburka Jeegaanta, Sidoo Kale Waxa Ay Intaasi Ku Darayaan Wararka Laga Helaayo Waxgaradka Iyo Madax-Dhaqameedka Beelaha Bariga Burco In Hadda Qaar Ka Mid Ah Uu Shir Ugu Socdo Magaalada Gar-Adag Ee Galbeedka Gobolkaasi Sanaag.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News