qorilugudnews24.com
Qadar Oo Wefti Dareen Dhaliyey U Soo Dirtay Somaliland.
May 2, 2021 - Written by qoriadmin

Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Qaabilay Wefti Dalka Qadar Ka Socda Oo Dareen Dhaliyey……

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, Ayaa Qaabilay Wefti Ka Socdey Dalkaasi Qadar Oo Uu Hoggaaminayo Ergeyga Khaaska Ah Ee Wasaaradda Arrimaha Debedda Ee Dalka Qadar, Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani.
Kulankaa oo ahaa mid Albaabada loo xidhay ayaan la ogeyn Waxyaabaha lagaga hadlay iyo socdaalka xilligan ee weftiga dawladda Qadar ku yimaadeen Somaliland, balse qoraal kooban oo kasoo baxay madaxtooyadda ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti ballaadhan oo safar shaqo ku yimi dalka Somaliland,
Qoraalka laguma xusin ujeeddada dhabta ah ee wefdiga, waxase lagu xusay in Madaxweyne Biixi warbixin ka siiyay Somaliland iyo Marxalidihii ay soo martay iyo xaaladda guud ee dalku marayo maanta iyo halkii laga soo ambo-qaaday geediga Dimuquraaddiyadda Muddo Soddon sanno ah, waxaanu madaxweynuhu weftiga ka guddoomay salaan ay uga sideen madaxda dalka Qadar.
Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu xusay in kulankaas lagaga wada hadlay in labada waddan ay yeeshaan xidhiidh wanaagsan oo walaalnimo iyo iskaashi wada shaqayneed iyo in dalka Qadar halkan (Somaliland) ku yeesho xafiis Diblumaasiyadeed oo rasmi ah, wallaw aannay wefdiga Qadar dhankooda ka hadlin oo aannay wax war ah kasoo saarin, iyadoo xukuumadda Qadar safka hore kaga jirta dalalka sida weyn dhaqaale ahaan iyo Millateri ahaan u taageera dawladda Federaalka ee Soomaaliya.
Madaxtooyadda Somaliland oo ku sheegtay xilkiisa ,{Ergayga gaarka ah ee Ra’iisal Wasaare Ku-Xigeenka, ahna Wasiirka Arrimaha Debedda ee dalka Qadar) waxay ku xustay qoraalkeeda in kulanka waxa lagaga wada hadlay ahaa sidii hay’adda Qadar u qaabilsan Mucaawimooyinka ee (Qadar Charity) Xafiis uga furan lahayd Jamhuuriyadda Somaliland, Isla markaana loo xoojin lahaa xidhiidh wada shaqayneed oo dhinaca Mucaawimooyinka ah iyo Samafalka ah.
Dhinaca kale, wefdga ka socda dalka Qadar, waxa Hoggaaminayo Ergeyga khaaska ah ee Wasaaradda Arrimaha debedda ee dalka Qadar, Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtan, kaas oo ah Ambassador ku xeel dheer arrimaha diblmaaasiyada iyo dhex-dhexaadinta.
. Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani ayaa Dawladda Qatar u qaabilsan la dagaalanka Argagixisada iyo dhex-dhexaadinta xalinta khilaafaadka. Isaga oo ah Bar-tilmaameedka Qaranka ee Masuuliyadda Ilaalinta Siyaasadda khaarajiga ee Qadar,
Ambassador Al-Qahtani, wuxuu sidoo kale soo qabtay xilal diblamaasiyadeed oo waaweyn, isagoo  mar ahaa Ku-xigeenka Wakiilka Joogtada ee Qatar Mission ee Qaramada Midooba, wuxuuna ka soo qaybqaatay oo hormood u ahaa xalinta  khilaaf dalal badan oo uu ka ahaa dhexdhexaadiye, taas oo ,2015-kii uu ku muteystay inuu noqdo Safiirka Nabadda oo la gudoonsiiyo abaalmarin Caalami ah,  waxaana la rumaysanyahay in socdaalkiisu la xidhiidho sidii ay Qadar arrinta Somaliland iyo Soomaaliya u dhexgeli lahaayeen, maadaama ay dawladda Federaalka ah iyo Midnimada Soomaaliya si weyn Qadar u taageerto.
Sidaa awgeeed socdaalaka xilligan ee wefdiga qadar iyo xafiisyada  ay doonayso in ay Qadar ka furato Somaliland ayaa ah arrin dareen badan oo Xaasaasiya dhalinaysa, iyada oo aannay caddayn in Madaxtooyada Somaliland bedeshay mowqifkeedii ku waajahnaa siyaasadda dalka Qadar iyo in dawladda Qadar bedeshay siyaasaddeedii midnimada Soomaali-weyn ee ay sida weyn taageerada ula garab taagnayd xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya..
Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News