qorilugudnews24.com
Taawarka Diyaaradaha Laga Hago Ee Magaalada Baydhabo Oo Maanta Xadhigga Laga Jaray.
May 3, 2021 - Written by qoriadmin

Baydhabo-(QorilugudNews24)-Madaxweynaha Dawlad-Gobolleedka Koonfur-Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen Iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Duraan Axmed Faarax Ayaa Si Wada-Jir Ah Maanta Xadhigga Uga Jaray Taawarka Garoonka Diyaaradaha Ee Shaati Gaduud Ee Magaalada Baydhabo.

Munaasabadda ayaa sidoo kale waxaa ka qaybgalay saraakiil ka tirsan hay’adda Duulista Hawada Ee Federaalka iyo Dawlad-Gobolleedka Koonfur-galbeed.

“ Waxaa inoo farxad ah in muddo ka dib Taawarka dhismihiisa uu dhammaado , waxaan guda galeynaa wejiga labaad oo ah si casri ah in loo qalabeeyo, wuxuu yaalla qalabka Muqdisho si deg deg ah ayaana halkan loogu soo wareejin Doonaa.” ayuu yidhi Wasiir Duraan Faarax.

Wasiirka ayaa inta ku daray in dhammaystirka mashruucan lagu horumarinayo Garoonka diyaaradaha Baydhabo uu bilow u yahay tayeynta adeegyada Hawada ee garoomada Dalka oo midka Baydhabo uu ugu horeeyo.

“ Ujeeddada aan hiigsaneyno ayaa ah in garoonkan uu bixiyo dhammaan adeegyada laga helayo garoonka caasimadda Muqdisho Ee Aadan Cabdulle, wuxuu sidoo kale door weyn ka qaadanaya shaqo abuurka dhallinyarada Koonfur-Galbeed adeegga dab-damiska ayaana shaqaalaha u horeeya Oo hadda looga baahan yahay.” ayuu raaciyey.

Madaxweynaha Dawlad-gobolleedka Koonfurgalbeed , Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen ayaa dhammaystirka dhismaha Taawarka ku tilmaamay mid ka dhigaya Hannaanka shaqo ee Garoonka Mid Casri Ah.

“ Horumarinta Garoonkan waxay wax badan ku soo kordhinaysaa deegaanka iyo guud ahaan Dalka, waxaan u mahadcelinayaa cid walba oo dedaal gelisey in aan halkan soo gaadhno.”

Magaalada Baydhabo ayaa 250 Km u jirta Magaalada Muqdisho , iyada oo horumarinta Garoonku uu yahay mid taageeraysa Garoonka caalamiga ah Aadan Cabdulle ee Caasimadda Muqdisho.”.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News