qorilugudnews24.com
Waa Gobonimo Mar Haddii Mujaahid Doolaal Dib Loogu Soo Celiyey Xoriyadiisii, Xasaanadiisii, Xuquuqdiisii Ciidan Iyo Sharaftiisii Shakhsinimo.
May 6, 2021 - Written by qoriadmin
Burco-(QorilugudNews24)-Waa Gobonimo kolkii Mujaahid Doolaal dib loogu celiyey Xoriyadiisii, Xasaanadiisii, Xuquuqdiisii Ciidan iyo Sharaftiisii Shakhsinimo. Mujaahid Doolaal Maaha Qof Ee Qaran Lugaynaya. Waxaa Garan Kara Qiimaha Uu Leeyahay Ashqaastii Goob-Jooga Ka Ahayd Maalmihii Qadhaadhaa Ee Uu Inan Ragba Huwaday Go’ Qoyan Iyo Bustayaasha Qarsoon, waxa garan kara qofkii xogogaal u ahaa dareenkiisa, Dadnimadiisa iyo Waddaninimadiisa.
Waxaan qirayaa in uu ahaa shakhsi Mudan In Loo Abaal-gudo Oo baal dahabiya Iyo karaamo ku leh Astaanta Qarankan Somaliland Ee Maanta La Maalayo.
Waxaan taagnaa go’aanadii uu qaatay Maalmihii kaynta dabada la wada geliyey ee Saraakiil badan ku gabadeen cudur-daaro Aanu Jadeerku Qarin karin. Sida guutooyinkii Caynaba, Guutooyinkii Habari-Heshay- Gebi-Case, Darawiishta Wadaamagoo, Fadiisinka Qorilugud Iyo guud ahaanba waxa uu la wareegay Guutooyinkii difaaca hore ee Gaas 3aad ee fadhiigu ahaa Burco.

 

Waxaan kale oo aan goob-joog U ahaa goobo badan oo kale oo aanan tiri karin oo Ay Hoggaamintiisu galangal ka dhigtay ciidamii Somaaliya.

Waa shakhsi eebbe Hibo iyo Nasiib u siiyey guusha iyo hogaaminta dagaalka. Waxaan ka xusuustaa hadalada Kornayl dhegawayne oo ah xubnaha saraakiisha aqoonta iyo khibrada u leh Hoggaaminta dagaal inuu ku sifeeyey Doolaal ” Waxa uu lee yahay hibo hogaamineed oo ah inuu dagaalka hudahiisa ku fekero, kuna bedeli karo khariiradiisa dagaal, Oo Dhaafsiisan Qiyaasaha La Yaqaan Ee Dagaalka”.

Hadal iyo gun waxaan soo dhaweynayaa in Mj Doolaal helay Xoriyadiisa, Waanan u mahad-celinayaa cid kasta oo  ka Soo shaqaysay.

By: Yuusuf Ilkacase

COMMENTS
Latest News