qorilugudnews24.com
Weriye Cabdiraxmaan Fantastic Oo Ka Warbixiyey Jidh Dil Loo Geystey!!.
May 10, 2021 - Written by qoriadmin

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Weriye Cabdiraxman Cabdillaahi Maxamuud (Fantastic), Oo Ah Weriye Ka Hawl-Gala Gudaha Magaalada Hargeysa Ayaa Koox Loo Malaynaayo In Ay Ahaayeen Sirdoonka Somaliland Ay Jidh Dil U Gaysteen Kadib, Markii Uu Damcay In Uu U Gurmado Gabadh Ka Barooranaysey Guri Ay Jaar Yihiin, Kaas Oo Ku Yaalla Xaafadda Masalaha Ee Magaalada Hargeysa.

Weriyaha Oo Sawiro Uu Iska Qaaday Isaga Oo Dhawac Ah, Kuwaas Oo Ku Faafay Baraha Bulshada, Ayaa Nooga Ka Waramay Sida Ay Dhawacyadu Ku Soo Gaadheen.

“Habeenkii Sabtidu soo geleysey Salaaddii Cishaha Kadib, ayaan guriga imi. kadibna waxaan maqlay Gabadh ka barooranaysa Guri aanu jaar nahay, kadibna waan daalanayoo waan iska jiifsaday” ayuu Fantastic Yidhi.

“Kadibna 12:00 Habeenimo ayey Baroortii dib u bilaabantay, Xafaaddii ayaa i soo kicisay oo igu tidhi waar bal Orod soo eeg Gabadhan Ooyeysa, marka waxaanu maqalnay Rag Gabadha u hanjabaya oo guriga gabadhu ka Ooyeyso ka hadlaya”.

“Kadib waxan soo qaatay Bastoolad yar oo bilaa rasaas ah, waxanan war-geliyey Nin aanu saaxiib nahay oo sarkaal ah, oo aan u sheegay dhacdada, markaan dibedda u soo baxay ayaan la kulmay Askari Military ah oo meesha maraya, kadibna waxan weydiistey inuu ila soo fiiriyo Guriga ay gabadhu ka Ooyeyso” ayuu hadalkiisa ku daray.

Wariye Fantastic ayaa sheegay in markii ay isaga iyo askarigii garaaceen Albaabkii Guriga ay Gabadhu ka Barooranaysey ay ka fureen Niman Hubaysan oo aan Xidhnayn wax Lebis Ciidan ah, kadibna ay Jidh Dileen isaga iyo Askarigiiba.

“Markaanu Albaabkii garaacnay ayey nagu yidhaahdeen “waayo” kadibna Askarigii baa ku yidhi “waa Askariye fura” kadibna intay dib u baxeen ayey qoryo soo qaateen, kadibna intay Albaabkii fureen ayey na weydiiyeen waxa aanu doonayno”.

“Askarigii baa ku yidhi “waa maxay Gabadha meesha ka Qaylinaysa” kadibna waxay ugu jawaabeen “meeshu waa Xero Ciidan oo waad soo weerarteen” intaa kadibna garaacis bay nagu bilaabeen Aniga iyo askarigiiba”. Ayuu Fantastic HOL usheegay.

“Intay na garaaceen ayay inantii oo ooyaysa qol iskugu kaaya geeyeen, marka inantu Diric keliya ayey xidhnayd, way timo qaawanayd, bilaa kabana way ahayd”.

“Kadibna mid iyaga ka mid ah ayaa yidhi “waar Maxabiista meel la Isuguma geeyo” kadibna waa nalaga saaray Inantii” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Weriye Fantastic ayaa sheegay in Sarkaal kii uu markii hore ku war-geliyey dhacdada uu la soo hadlay kadibna uu Telefoon ka ugu dhiibay mid ka mid ah nimankii haystey, intaa kadibna Ayey goobta yimadeen Axmed Muuse Biixi iyo rag kale oo Sarakiil ah.

Fantastic ayaa intaa ku daray in Axmed Muuse Biixi uu raali-gelin ka bixiyey jidhdilkii loo geystey, sidaana lagu soo daayey, waxaanu sheegay in aan wax faah-faahin ah laga siin waxa meesha ka socdey.

Inkasta oo uu weriyuhu sheegay in ragga jidh dilka u geystey oo uu ku qiyaasay 6-7 nin aanu garanayn waxa ay yihiin, ayaa waxa ay u badan tahay in ay ahayen koox Sirdoon ah oo dembi baadhis ku jirtey.

Lähikuvassa voi olla ainakin yksi henkilö

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News