qorilugudnews24.com
Fariin Ka Dhan Ah Kooxda Heego Oo Loo Diray Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Taliyihiisa Ciidanka Booliska.
May 18, 2021 - Written by qoriadmin

No description available.

Oslo-(QorilugudNews24)-Xidhiidhiyaha Qaaraddaha Yurub Iyo Ameerika Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani, Md. Cismaan Cumar Dool Ayaa Fariin Ka Dhan Kooxda Heego, U Diray Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Taliyihiisa Ciidanka Booliska.

Xidhiidhiye Dool Ayaa War Uu Soo Saaray Ku Yidhi:-

Ku. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Iyo Golahiisa Fulinta.

Og: Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland General Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale Iyo Hay’addaha Ammaanka dalka Oo Dhan.

Ujeedo: Ogaysiin Kooxda Qaran Dumiska Ah Ee Heego.

Mudane Madaxweyne Mudane Taliye sida la wada og yahay waxaad tihiin Masuuliyiintii Qaranka waxaanu xil gaar ahi idin ka saaran yahay Ammaanka Qaranka iyo Midnimada shacabka inta aad xilka haysaan.

Dabcan sunaha Dawladnimada ayaa ah in ay jiraan Mucaarid iyo Muxaafidba uu Macnahoodu yahay Anigaa Kursiga Kaga Wanaagsan Iyo Anigaa Kaaga Wanaagsan, innaga Somaliland ahaan waxa taa inaga dhex-galay Dhaqankeena oo inta badan Qabyaalad iyo Reernimo Ku Salaysan.

Waxaa jirtey in innaga oo Nidaamka Dawladnimo ku dhaqmayna aynu haddana Si Caqli ku jiro Isu waafajinaynay Nidaamka Reeraha iyo Dawladnimada.

Mudenayaal ilaa intii uu xilka Madaxweynenimo qabtay Mudane Muuse Biixi Cabdi waxaa bulshada Somaliland ka dhex abuurmay Koox Canaasiir ah oo Magacooda Loogu Yeedho Heego.

Kooxdaasi waxay iska dhigaan in ay yihiin Muxaafid difaacaya Qaranka iyo Madaxweynanimada Muuse Biixi Cabdi, laakiin ma aha ee waa Koox u samaysan duminta Qaranimada Somaliland iyo isku Dirka dadka Reer Somaliland.

Falalka Ay Kooxdani Ku Dhaqmaan Waxaa Ka Mid Ah.

1. In ay magacyo been ah ku soo galaan Mediaha kadibna ay ku kala fogeeyaan dadka Reer Somaliland.

2. In ay bulshada Reer Somaliland u kala Qaybiyaan oo ku kala sheegaan 10% Somaliland daacad u ah iyo 90% Khaayinul Waddan ah oo Qaran Dumis ah oo Faqash Ah.

3. In ay bulshada kala dhex dhigaan Cadaawad iyaga oo isticimaalaya Magaca Dawladda Somaliland.

4. In ay muwaadinkii fikirkiisa cabira ama Dawladda ha Dhaliilo ama Tallo ha u soo jeediyee ay ugu Hanjabaan in la Xidhaayo oo uu Liin cabi doono.

5. Iyo in ay Kooxdani Qofkii Ay Dawladda Murmaan, Dawladdu Xidho, ama in Loo Arko in ay Hay’addaha Dawladda is Hayaan, Ay Qofkaa Sharaftiisa, Cirdigiisa Iyo Muwaadinimadiisa Ay Meel Ka Dhac Weyn U Geystaan.

Ugu Dambayn Waxaanu Idin Ka Codsanaynaa In Aad Arrintaa Fiiro Gaar Ah U Yeelataan, Oo Aad Kooxdaa Bahalaha Ah Ee Ummaddii Kala Fogeeyey Baadhitaan Iyo Daba-Gal Ku Samaysaan.

Alla Mahad leh

Osman Omar Dool

Xidhiidhiyaha Qaaraddaha Yurub iyo Waqooyiga America ee Xisbiga Wadani.

Oslo Norway

COMMENTS
Latest News