qorilugudnews24.com
Fadeexad: Qaar Ka Mid Ah Mareegaha Ku Abtirsada Deegaanada Beelaha Habar-Jeclo Oo Bilaabay In Ay Buun-Buuniyaan Maayirka Magaalada Hargeysa Iyo In Ay Baahiyaan Cayda Iyo Aflagaadooyinka Qaawan Ee Ay Isweydaarsanyaan Maayir Muraad Iyo Khaliif Xiin-Waal.
May 23, 2021 - Written by qoriadmin

Burco-(QorilugudNews24)-Qaar Ka Mid Ah Website-Beeleedyada Ku Abtirsada Deegaanada Beelaha Habar-Jeclo Ayaa Bilaabay In Ay Buun-Buuniyaan Maayirka Magaalada Hargeysa Mr. Cabdiraxmaan Soltelco, Kaas Oo La Xaqiijiyey In Uu Lacag Badan Ku Bixiyey In Isaga La Buun-Buuniyo Iyo In La Amaano, Si Uu Mar Kale Ugu Soo Noqdo Xilkii Uu Horeba Ugu Soo Fashilmay Ee Uu Maalka Badan Ka Dhaqday, Arrintaas Oo Fadeexad Weyn Iyo Cay Ku Ah Guud Ahaan Garaadka Iyo Caqliga Bulshada Reer Somaliland Ee Xalaasha Ah, Gaar Ahaana Bulshada Ku Dhaqan Magaalada Hargeysa Iyo Nawaaxigeeda.

 

Waxa Kale Oo Iyana Wax Laga Xumaado Ah, In Ay Website-Beeleedyada Burcoonline Iyo Karinnews Ay Beryahan Dambe Caado Ka Dhigtaan In Ay Faafiyaan Oo Ay Bulshada Dhegaha Kaga Wasakheeyaan Cayda Iyo Aflagaadooyinka Qaawan Ee Aan Loo Meel Deyin Ee Ay Beryahan Dambe Isdhaafsanayeen Labada Masuul Ee Maayir Maxamed Yuusuf Cabdiraxmaan Muraad Iyo Khaliif Maxamed Xiin-Waal, Kuwaas Oo Weliba Ka Soo Wada Jeeda Hal Ardaa Oo Hoose.

Waxa Ay Iyana Dad Badani Isweydiinayaan Goorta Ay Caydii Iyo Aflagaadadii Noqdeen Warar Iyo Wax Wanaagsan Oo Dadka Loo Sheego Ama War Looga Dhigo.

Ugu Dambayn Waxa Aan Mulkiilayaasha Mareegahaasi Gacanta Ku Haya Kula Talinayaa In Ay Ka Waantoobaan Dhaqan Xumada Noocaas Ah Iyo Arrimaha Foosha Xun Ee Ay Gamcaha Kula Jiraan, Dadkana Aanay Dhegaha Ka Wasakhayn.

Waa Wax Runtii Laga Xumaado In Aynu Maalin Walba Aragno Rag Waaweyn Oo Sida Garanleyda Iyo Foodleyda Fagaareyaasha Iyo Warbaahinta Iska Caayaya, Runtiina Waa Wax Laga Yiq-Yiqsoodo Oo Laga Xumaado.

Maxaa U Diidey Dadkan In Ay Ka Sheekeeyaan Ama Ay Soo Bandhigaan Baahiyaha Iyo Dayaca-Baahsan Ee Ka Muuqda Deegaanada Ay Ku Abtirsadaan, Kuwaas Oo Aanay Ciddina Waxba Ka Qaban Tan Iyo Dib U Curashadii Jamhuuriyadda Somaliland, La Iskana Ilaawey, Iyada Oo Waxtarkii Ay Somaliland Lahayd Lagu Koobay Oo Keliya Deegaano Gaar Ah, Laguna Naas-Nuujiyo… Shame On You!!!.

By:Nabruush Yuusuf Xasan (Digtoorka).
Burco, Somaliland.

COMMENTS
Latest News