qorilugudnews24.com
Maxaa Sababay Guul-Darrada Soo Wajahdey Xisbigii Kulmiye?.
June 8, 2021 - Written by qoriadmin

London-(QorilugudNews24)-Doorashadan 2021 Ee Ka Dhacday Somaliland Waxay Si Cad Daaha Uga Feydey Liicitaanka Awooddeed Ee Xisbiga Kulmiye, Taasna Waxaa Sabab U Ah Dhaqamada Iyo Ficillada Taban Ee Dalka Ka Dhacay Muddadii Afarta Sanno Ahayd Ee Muuse Biixi Dalka Hoggaaminayey, Kuwaas Oo Aan Ka Xusi Karo:-
1. La Wareegitaankii Aan Sharciyada Waafaqsanayn Ee Shirkaddihii Ganacsiga Shidaalka Ee Haamaha Berbera.

2. Xidhitaankii Shirkaddihiii Diyaaradaha Ee Al-Carabiya Iyo Fly Dubai.
3. Sifihii Sharci Darrada Ahaa ee Lagula WareegEy Hargeisa Club.

4. Muwaadiniintii Sida Xaq-Darrada Ah Xoogga Loogala Wareegey dhulkoodii.

5. Dadkii Birma-Geydada Ahaa Iyo Halgamayaashii Dalkani Lahaayeen Oo Jeelasha La Iskaga Amuugey Sifo Aan Sharci Ahayn.

6. Dagaalkii Lagu Qaaday Akhyaartii Kulmiye Halbawlaha U Ahaa, Kana Tirsanaa Dawladdii Madaxweyne Axmed Siilaanyo, Isla Markaana Ahaa Raggii Muuse Biixi Laftiisa Dhisay, Ee Sababta U Ahaa In Uu Maanta Halkan Joogo, IYADA OO IIN LEH BAAN AMAANAYEE, ABAAL DARANAA .

Waxaa Kale Oo Dhaqamada Dawladnimada Ka Arradan Ka Mid Ahaa, Quluubta Dadkana Quusta Geliyey, Khudbaddaha Hoggaamiyaha Maanta Jooga Oo Aan Ahayn Kuwii Hoggaamiye Mudakar Ah Laga Fili Karaayey, Inta Badana Ah, Kuwo Aad U Hooseeya Mustawe Ahaan, In Badan Oo Taageerayaashii Xisbiga Ka Mid Ahaana Rajo Beel Geliyey, Khudbaddahaas Oo Qaarkood Aan Anigu Goob-Joog Ka Ahaa, Waxaanan Ka Xusi Karaa Kuwan Soo Socda:-

1. Tii Uu Dadkii Soo Doortay Ku Lahaa Fartiinaad Eedi Doontaan Oo Gurigisa Ahayd Aniguna Aan Fadhiiyey.

2. Tii Uu Ku Lahaa Dawladdani Waa Dawlad Huuno Ah, Oo Huuno U Dhalatay Markii Uu Xilka Kala Wareegayey Axmed Silaanyo Oo Anigu Aan Fadhiiyey Xafladdii Xil-Wareejinta.

3. Tii Uu Ku Lahaa Waxaan Ahay Caaqil Beeleed.

4. Tii uu ku lahaa Beeshii laga adkaaday iyo Beeshii guulaysatay.

5. Sida Loo Soo Xulay Xubnihi Golaha Dheexe Ee Kulmiye, La Isagana Foogeyey Xisbi-Yahankii..

6. Iyo Qaar Kale Oo Badan Oo Aanan Kalkan Ku Soo Koobi Karin

Dhammaanba Arrimahaasi Waxay Sabab U Noqdeen Hagaaska iyo Laf-Jabka Xisbiga Kulmiye Haleelay Maanta, kaas oo saameyn Tabana ku reebay Himiladii aanu ka lahayn Asaasitaankii Xisbigan Kulmiye, mana aha wax la aqbali karo in sidan Xisbiga lagu sii daawado, waxaan ka mid ahaa Raggii Horseedka u ahaa Asaasitaankii iyo Hanaqaadkii Xisbiga Kulmiye, waxaan ka mid ahaa Guddidi Guud Ee Idaacaddii Horyaal. Waxaan ka mid ahaa Guddidii Olalaha Gobolka Togdheer Wealiba Ragga ku suntan keenayna Codka Gobolka Togdheer waanay i damqaysaa in aan sii fiirsado Xisbigii Tacabka, Maskaxda, Muruqa, Maalka iyo Waqtigaba aan geliyey oo hortayda ku hoobanaya, Damqashadan waxaa ila qaba in badan oo Mulkiilayaashii Xisbiga ah oo Bari iyo Galbeedba jooga.

Gunaanadkii, waxaa ii muuqata in la joogo Waqtigii la badbaadin lahaa Xisbiga Kulmiye iyo Dalkaba, waxaanan ugu baaqayaa in Haldoorka Kulmiye ee Aragtida Fiyoobi ay Arrintaas iska arkaan, ka hawl-galaan, si loo qaato go’aamo Istraatiiji Ah, oo Geesinimo iyo Waddaniyad leh, oo lagu badbaadinayo Xisbiga Kulmiye, laguna soo celinayo Sharaftii, Karaamadii iyo Mustawihii Sare Ee Xisbiga Kulmiye Lahaan jirey.

Wa Bilaahi Towfiiq

Qalinkii xubin ka mida Guddidi Olalaha Xisbiga Kulmiye G Togdheer dorashadi Madaxtooyada .
Mubaarik Yuusuf Bidhi,
UK.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News