qorilugudnews24.com
Somaliland: Dawlad Iyada Iyo Shacbigeedu Ku Mashquulsan Yihiin Loolanka Hoggaanka Baarlamaan Gudaheena Ah, Iyada Oo Uu Geeskii Afrika Gubanaayo!.
July 27, 2021 - Written by qoriadmin

Burco – (QN24) – Yoolka iyo Hiigsiga Bulsho Beegsanayso Waxa Ka Dhasha Hilaadin Fog Oo Lagu Shiishayo Wacyiga Saamaynta Togan Iyo Mid Tabanba Ku Yeelan Kara Mustaqbalka Fog Iyo Ka Dhowba Ee Taabanaya Nolosha Iyo Degenaanshaha Guudba.
Maxaa Socda?

Tan iyo intii lagu dhawaaqay Natiijadii Doorashadii isku sidkanayd ee Golayaasha Deegaanada iyo Baarlamaanka Ee 31th May, 2021 ka dhacday dalka Somaliland, waxa baxayey huganka iyo hirdanka loogu jiro sidii loogu kala Calaf-qaadi lahaa hoggaanka sare ee aqalka Baarlamaanka, kaasi oo Xukuumadda, Mucaaridka iyo shacbiga ku Taxan Tax-Taxa Siyaasad dhaqan-dhaqaale ay ku foorareen hanashada iyo kala jiidashada xildhibaanada cusub ee guulastay oo noqday Jooharad Dahabiya.

Xadhig-jiidadka loogu jiro Gacmaha Xildhibaanadan Dheemanta ahi waxay waddanka geyeysiisay in ay soo Hogato, soona Laabanto Il Kasta oo lagu Fiirinayey Cadow Sokeeye, Mid Shihseeye, Mid Maamul, Mid Siyaasaddeed iyo Mid Horumarineed, iyada Oo Uu Dhursuga Rukunkani Noqday “Dhaankii Laga Dhursugaayey”.

Dabcan, Hoggaanka Baarlamaanka Somaliland waa Hay’ad halbowle u ah Nidaamkeena Dawladnimo oo xulashadiisa iyo waqtigiisuba u baahan yihiin dhugmo Toosan, balse in lagu wada foorarsadaa waxay keeni kartaa Gaadmo Aan La Filayn oo kaaga Timaada Duruufta Kugu Xeeran. Taasina waxay sida mawjada kaaga dhufan kartaa Tacabkii aad faraha ku haysatey.

Maxaa Ka Socda Geeska Afrika?

Sidaan la soconana waxa xaaladda xaraja ah galay Waddanka aynu jaarka nahay ee Ethiopia oo aynu wadaagno hab-nololeed kala duwan, weliba saamayn ku leh siyaasadda Bariga Afrika iyo dalkeenaba, taasi oo dareenkeeda leh haddii ay Xaaladdoodu sii adkaato in looga diyaar garoobo siyaasad dhaqaale ahaan boqolkaa Milyan oo Qax iyo Qaxooti noqda hujuunka ay inagu keeni karto, Maadama uu yahay waddanka ugu badan ee Ganacsi ahaan aan isku tiirsan nahay Amaba sidaayadda isbedeleysaa u baahan tahay in lala Jaan-Qaado.

Sidoo kale dawladda Djibouti ayaa iyaduna ah Waddanka 2aad ee Aan dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba isku tiirsan Nahay ayaa iyaduna gashay Xaalad Dib U Gurasho, iyada oo Warbaahintu Maalmahan ka hadlaysey in jidka dhuunta u ah Bariga Afrika ee isku xidha Ethiopia iyo Jabuuti la jaray, inkasta oo dawladdaasi ay diyaar garow Wado.

Sidaa Si La Mid Ah Eritrea Oo Iyaduna Ka Mid Ah Laacibada Geeska Afrika Ee Safka Hore Ayaa Iyaduna Xaaladdani Dagaal Ku Noqotay Mawjad Hafisay Dalkeeda Oo Difaac Ugu Jirta Siday Isaga Moosi Lahayd Dabaylaha Colaaddeed Ee Ku Soo Fool Leh.

Dawladda aynu haybta wadaagno ee Soomaaliya oo aynu dhaqaale ahaan iyo Nolol ahaan Doon Wada Saaranahay ayaa iyadana waxa Ku Xidhan Miino Mar Kasta Qarxi Karta Oo Ku Aaddan Doorashooyin Maqaar-Saar Ah Oo Laga Filayo In Ay Ka Soo Baxdo Wadaadkii Gacanta Dhiibi Lahaa.

Dawladda Kiiniya oo iyaduna ahayd Dilaalkii ugu Xariifsanaa ee Geeska ayaa iyadana waxa soo Food-Saaray Halgano Culus oo ay ugu Tab hayso Jeebabka Faaruqay ee wax laga Filayey iyo Weliba Ururka ay sida Xoogga ah isu hayaan Ee Al-Shabaab.

Gunaanad

Durduradan wada qulqulaya waxay qarka u saaran yihiin inay isu bedalaan saacad kasta dufaano kiciya Mawjado Halis Gelin kara Deganaanshaha Somaliland iyo Nolosha isku xidhan. Sidaa awgeed mashquulka gudaheenu waxa uu inagu noqon karaa Hoosaasimo Cadar xaggaa sida Jawigeena Cimilo ee Xilligan. Haddii aynaan Noqon Isbahaysi u diiyaarsan ka hortaga ” Proactive Alliance”. Taa bedelkeeda waxaynu noqon doonaa haddii Aynu sidan ku sii socono ” Dhidar Onkod Kiciyey”.

Qalinkii: Yuusuf Ibrahim Warsame, (Yuusuf Ilkacase).

COMMENTS
Latest News