qorilugudnews24.com
Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble Oo Soo Saaray Amar Ku Socda Wasaaradda Maaliyadda Ee Soomaaliya.
September 12, 2021 - Written by qoriadmin

Muqdisho-(QorilugudNews24)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md. Maxamed Xuseen Rooble Ayaa Soo Saaray Amar Culus Oo Ku Socda Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Ee Xukuumadda Soomaaliya Mr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

War Qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaare Rooble Ayaa Amar Waxaa Lagu Siiyey Wasiirka Maaliyadda In Aanu Wax Kharash Ah Ka Bixin Karin Khasnadda Dawladda, iyada oo Aan Ogolaansho Laga Helin Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya.

Amarkan Cusub Ee Uu Soo Saaray Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Ayaa la Sheegay in ay tahay Sababta ka dambaysa in Taxadar dheeraad ah loo Yeesho Kharashaadka ka baxaya Khasnadda Dawladda iyo Isticmaalka Lacagta IMF, Maadama Oo Uu Dalku ku Jiro Xaalad Kala Guur Ah.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

 

COMMENTS
Latest News