qorilugudnews24.com
Wasiir Toorno “Somaliland Waxay Ka Dawladnimo Wanaagsan Tahay 68” Waddan Oo Dunida Ku Yaalla, Ayna Ku Jaraan Labada Dal Ee Ugu Awoodda Badan.
September 13, 2021 - Written by qoriadmin

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland, Md. Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), Ayaa Sheegay In Somaliland Ka Dawladnimo Wanaagsan Tahay 68 Dal Oo Caalamka Ku Yaalla.

Wasiirka Ayaa Sheegay In Somaliland Ay Ka Dawladnimo Wanaagsan Tahay, Kala Badh Dalalka Afrika, Dhammaan Dalalka Jaamacadda Carabta Marka Laga Reebo Waddanka Tunusia Oo Ay Somaliland Isku Heer Yihiin Dhinaca Dawlad Wanaagga.

“Somaliland waxay ka Dawladnimo Wanaagsan Tahay 68 Dal Oo Adduunyada Ku Yaalla Oo Ay Ku Jiraan LabO kuwa Awoodda Leh Ah, waxay ka Dawladnimo Wanaagsan Tahay kala badh Dalalka Afrika, waxay ka Dawladnimo Wanaagsan Tahay Ururka Jaamacadda Carabta Dhammaan, marka laga reebo Tunusia oo inala heer ah” Ayuu Yidhi Wasiir Toorno.

In Kasta Oo Aanu Wasiir Toorno Sheegin Meesha Uu Ka Keenay Xogtan Iyo Cidda Soo Saartay, Haddana Somaliland waxa lagu tilmaamaa Dimuquraadiyadda Ugu Fiican Ee Ka Jirta Bariga Afrika Sida Ay Qoreen Wargeysyada The Economist Iyo The Elephant.

Dhinaca Kale Warbixin Uu Sannadkii 2017-kii soo saaray Aqalka Xoriyada Maraykanka (Freedom House) ayaa lagu sheegay in xaqa shacabka Somaliland ka helaan Xukuumaddooda uu ka badan yahay Xaqa ay Waddamada kale ee Geeska Afrika Shacabkoodu ka helaan Xukuumaddahooda.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News