qorilugudnews24.com
Basaasad Maraykan Ah Oo Sheegtay In Soomaaliya Ka Khatar Badan Tahay Afghanistan.
September 14, 2021 - Written by qoriadmin

Washington-(QorilugudNews24)-Shir Amniga Maraykanka Looga Hadlayey Oo Isniintii Ka Dhacay Magaalada Washington, Ayaa Xilli Ay Khudbad Jeedinaysey Basaaska Ugu Sareeya Dalkaasi Ayaa Waxa Ay Sheegtay In Afghanistan ​​Aanay Hadda Ahayn Meesha Hanjabaadaha Ugu Badan Ee Argagixisada Caalamiga Ah Ee Ku Wajahan Dalka Lagu Maleego, Sida Ay Baahisey Warbaahinta CNN.

Xilli Qaar Ka Mid Ah Dadka Wax Dhaleeceeya Ay Ku Doodayaan In Afghanistan Ay Hoy U Noqon Karto Ururada Argagixisada Sida ISIS Iyo Al-Qaacida Si Ay Dib Isugu Urursadaan Kadib Bixitaankii Maraykanka.

“Hanjabaadaha Argagaxisada Ee Ka Imanaya Soomaaliya, Yemen, Suuriya Iyo Ciraaq – Gaar Ahaan ISIS – Ayaa Ka Khatar Badan Kuwa Laga Yaabo In Ay Ka Yimaadan Afghanistan,” Ayey Tidhi Agaasimaha Sirdoonka Maraykanka Avril Haines Xilli ay ka hadlaysay Shir -Sannadeedka Sirdoonka iyo Amniga.

“Marka La Eego Maraykanka, Halista Hadda Ka Imaanaysa Kooxaha Argagaxisada, Ma Mudnaan Siineyno Liiska Ugu Sareeya Afghanistan,” Ayey Raacisey.

“Meelaha La Rabo In Aan Eegno Waa Yemen, Soomaaliya, Suuriya Iyo Ciraaq Oo Ay Joogaan Kooxda ISIS, Halkaas Ayeyna Halista Ugu Weyn Nooga Imaanaysaa.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News