qorilugudnews24.com
Fadhigii 79aad Ee Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland Oo Laga Soo Saaray Qodob La Xidhiidha Xaaladda Guud Ee Dalka
September 16, 2021 - Written by qoriadmin

WAR-SAXAAFADEED: 16 /09/2021.

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Fadhigii 79aad Ee Golaha Wasiirada Sonmaliland Oo Uu Shir- Gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, Ayaa Warbixino Lagaga dhegeystey Wasiirada Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Horumarinta Caafimaadka Iyo Warfaafinta, Dhaqanka Iyo Wacyi-Gelinta Somaliland.

Waxaana ugu horayn Golaha Wasiirada Warbixin la Xidhiidha Amniga, Nabad-Gelyada guud ee dalka. Wasiirku waxa uu si gaara uga hadlay Xaaladda Amni ee Gobolka Sool, waxaanu Golaha la Wadaagey Dilalka soo Noq-noqday ee Gobolka Sool, Isla Markaana waxa Goluhu u saaray Guddi ka kooban Wasiiro sidii Arrintaas xal loogu helo.

Sidoo Kale, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Ayaa Golaha Uga Warbixiyey Xaaladda Somaliland ee caabuqa Covid-19, Waxaana Uu Ku Dheeraaday Khatarka Ka Soo Cusboonaatay Xanuunka Covid-19 Oo Ah Mawjadii Saddexaad Taas Oo Gaadhey Bulshada Qaybeheeda Kala Duwan, iyada oo Todobaadkii U Dambeeyey Oo Keliya Ay U geeriyoodeen Afar iyo Labaatan ruux (24) oo ah intii is Diwaan-Gelisey ee timid Goobaha Caafimaadka, Taas Oo Muujinaysa in uu si ballaadhan u fidayo Xanuunku. Sidaa darteed Goluhu Waxa Uu U soo jeediyey Tallaabooyin iyo Tallooyin Guddida Ka-hortagga iyo la dagaalanka xanuunka Covid-19 oo ay ku dardar-gelinayaan hawlaha ay u xil saaran yihiin.

Ugu dambayntii, Golaha Wasiiradu iyaga oo maanka ku haya Ahmiyadda ballaadhan ee ay dalka ugu fadhido warbaahintu iyo in ay tahay tiir ka mid ah dhismaha dawladda iyo dimuquraadiyadda, hase yeeshee iyada oo Aan laga tegeyn wixii Lidi Ku Ah Diinta, Dhaqanka iyo Amniga dalka ee Cadowgu Ugu Soo Gabanayo Ama U Soo Dhex-Marayo Xorriyadda Saxaafadda, Waxa Goluhu Xusay In loo Raaci Doono Sharciga Dalka Jamhuuriyadda Somaliland, Ciddii Loo Arko In Ay Dhibaato Ku Tahay Qaranka.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News