qorilugudnews24.com
Jeneraal Dolaal “Laba Sannaddood Oo Aan Sharci Ahayn Ayaa La Igu Xukumay
September 23, 2021 - Written by qoriadmin

Burco-(QN24)-Jeneral Jaamac Maxamuud Aadan (Dolaal), Oo Hore Uga Tirsaa Ciidamada Qarnka Ee Somaliland, Isla Markaana 11 April Ee 2021, Ay Maxkamadda Ciidanka Somaliland Ku Xukuntay Laba Sanno Oo Xadhig Ah, Kadib Markii Lagu Eedeeyey In Qorsheynaayey Falal Ka Dhan Ah Qaranimada Somaliland, Ayaa Sheegay In Xadhiggiisu Ahaa Mid Sharci Darro Ah.

Jeneral Doolaal Ayaa Sheegay In Maxkamddu Ku Weydey Dhammaan Dembiyadii Lagu Soo Eedeeyey, Balse Ay Xaakimkii La Soo Hadleen Taliye Nuux Taani Iyo Madaxweyne Muuse Biixi, Isla Markaana Ay Ku Amreen In Rido Laba Sanno Oo Xadhig Ah, Sidaana La Igu Xidhay.
“Qaran Dumis Ayaa Lagugu Soo Eedeeyay ayaa La yidhi, Markhaatiyaal ayaa Meesha La Keenay, Guddoomiyihii Maxkamadda ee i xukumayey Ayaa Yidhi Ninka Dembigii waa lagu waayey, Kaas Oo Ahaa Qaran Dumis, Waanu Laalay, Waanuna ku weyney Dembigii Lagu Soo Eedeeyey, ka bacdi waxa lala soo hadlay guddoomiyihii oo la yidhi hadii Aanad xukumin oo aanu xukun kaga soo bixin Meeshaas, Markii Ay madaxweynaha iyo Jananku la soo hadleen, 2 Sannadood oo aan ahayn sharci ayaa la igu xukumay” ayuu yidhi Doolaal.

General Jaamac Maxamuud Aadan (Gen. Doolaal) Oo Maanta Warbaahinta La Hadlay Ayaa Hanjabaad Culus Oo U Diray Taliye Nuux Ismaaciil Taani, Kaas Oo Uu Ku Eedeeyey In Uu U Kala Abtiriyey Ciidankii Qaranka Somaliland.
Keep An Eye On The International Media At www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News