qorilugudnews24.com
Saraakiil Reer Galbeed Ah Oo Shaaciyey Laba Xog Oo Xaasaasi Ah Oo Ay Ogeyd Ikraan Tahlil.
October 11, 2021 - Written by qoriadmin

Muqdisho-(QorilugudNews24)-Warbaahinta Bloomberg Ee Maraykanka Oo Soo Xiganaysa Il-Wareedyo Reer Galbeed Iyo Saraakiil ka tirsan QM, Ayaa Qortay Warbixin Ku Saabsan Xog Ay Haysey Ikraan Tahliil Faarax, Oo Ay Suurto-Gal Tahay In Loo Diley Iyo In Dawladda Soomaaliya Ay Isku Dayeyso In Ay Qariso Xaqiiqda Dhimashada Ikraan.

Waxaa gudaha Soomaaliya aad looga rumaysan yahay in dawladda ay qarinayso Xaaladaha ku hareeraysan Dhimashada Ikraan, sida ay sheegeen Saraakiil Reer Galbeed Ah iyo Taxliiliyeyaal la socday kiiskan, ayaa lagu yidhi Warbixinta Bloomberg.

Ikraan ayaa Xog hoose ka haysay Heshiis Amni Oo Sannadkii 2018 Dhex-Maray Eritrea, Ethiopia Iyo Soomalaiya, heshiiskaas oo faah-faahintiisa ay saddexda dal doonayaan inay sir ahaato, sida ay sheegeen Saddex Sarkaal oo Reer Galbeed iyo QM ah oo ka shaqeeya Soomaaliya, kuwaas oo codsaday in aan Magacyadooda la shaacin, sababo la Xidhiidha in aan loo ogoleyn in ay ka hadlaan qiimeynta Sirdoonka.

Soomaaliya ayaa muddo ku tuhmaysey Dawladda Eritrea in ay taageerto kooxda Al-Shabaab, waxaana heshiiska uu yareeyey Xiisaddii hay’addaha amniga labada dal, sida ay sheegeen Saraakiisha la hadashay Bloomberg.
Ilo-wareedyada la hadlay Bloomberg ayaa sidoo kale sheegay in heshiiska uu dhigayo in saraakiil sirdoon oo Eritrean ah ay Saldhigyo ka Samaystaan Soomaaliya iyo Ethiopia, taasi oo Madaxweyne Isaias Afwerki siisay in uu saamayn ku yeesho Gobolka. Eritrea ayaa taageereysay dagaalka uu ra’iisul wasaraaha Abiy Ahmed kula jiro Mucaaradka Tigray ee Waqooyiga Dalkiisa.

Shaac ka qaadista nuxurka heshiiska iyo sababaha ka dambeeya dhimashada Ikraan, waxay horseedi karaan Xiisad Diblomaasiyadeed oo ka qaraxda Geeska Afrika, waxaa sidaas Bloomberg u sheegay Omar Mahmood oo ah khabiirka hay’adda Xasaradaha Adduunka ee International Crisis Group u qaabilsan Soomaaliya.
Ikraan oo tababar dhanka Ammaanka Internet-ka (Cyber-Security) kusoo qaadatay Xarunta Booliska Scotland Yard Ee London, 2019, ayaa sidoo kale haysay xog ku saabsan qiyaastii 5,000 oo askari oo Soomaali ah oo loo diray Eritrea, si ay tababar ugu soo qaataan, sida uu sheegay mid ka mid ah saraakiisha la hadlay Bloomberg.

Ikraan “waxay diyaar u ahayd in ay Kashifto” Hawlgalkan Military ee Muranka dhaliyey, Sida Lagu Sheegay Warbixin Ay Bishii Ee tagtay Baahisay International Crisis Group.

Bloomberg oo la xidhiidhtay xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, kama aysan jawaabin su’aalo ku saabsan heshiiska saddex geesoodka Ahaa ee Soomaaliya, Eritrea iyo Ethiopia. Sidoo kale, Wasiirka Warfaafinta Eritrea Yemane Gebremeskel, iyo Billene Seymoum, oo ah gabar afhayeen u ah Abiy Ahmed ayaan jawaabin.

Qoyska Ikraan Tahliil iyo Xildhibaano Metela ayaa Shalay sheegay in baadhitaan lagu wadey in Maxkamadda Ciidamada ay ku samayso kiiskan uu socon waayey kadib markii uu is hortaagey Madaxweynaha Uu muddo Xileedkiisu Dhammaaday Ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News