qorilugudnews24.com
Xisbigii Kumiye Oo Mar Hore Saqiiray Iyo Wasiir Maxamed Kaahin Oo Sheegay In Uu U Taagan Yahay Guddoomiyaha Xisbigaasi Kulmiye!!.
October 13, 2021 - Written by qoriadmin

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Xisbigii Kumiye Oo Maalinba Maalinta Ka Dambeysa Sii Saqiirayey Tan Iyo Intii Uu Majaraha U Qabtay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Ayaa Hadda Doonaya In Uu U Cimaamado Wasiir Maxamed Kaahin Axmed, Taasi Oo U Muuqata In Lagu Doonayo, Sidii Mar Kale Nafta Loogu Soo Bakhti Afuufi Lahaa, Isla Markaana Taageero Mar Kale Looga Raadin Lahaa Beelaha Ku Dhaqan Bariga Somaliland, Arrintaas Oo Aan Marnaba Suuroobi Doonin, Waayo Soomaalidu Waxa Ay Ku Maah-Maahdaa Muuminka Laba Jeer God Lagama Wada Qaniino, Iyada Oo Aan La Soo Koobi Karin Dhibaatada Baaxada Leh Iyo Curyaaminta Ay Xisbiga Kulmiye Iyo Hoggaamiyeyaashiisu U Geysteen Deegaanada Bariga Somaliland, Hadday Tahay Mid Dhaqaale, Waxbarasho, Caafimaad, Arrimaha Bulshada Iyo Hadday Tahayba Mid Darajo Ciidan Iyo Xilalkii Hoggaamineed Ee Ciidamada Kala Duwan Ee Dalka Ka Jira, Kuwaas Oo Beesha Bannaanka Laga Dhigay.

Haddaba Waxa Ay Dad Badani Isweydiinayaan Waxa Uu Soo Kordhin Doono Wasiir Maxamed Kaahin Oo Tan Iyo Intii Somaliland La Aas-Aasay Beesha Soo Hor Yuururey, Waase Maxay Waxa Uu Qaban Waayey Isaga Oo Maanta Ah Wasiirkii Arrimaha Gudaha Ee Somaliland, Ee Uu Qaban Doono Marka Uu Noqdo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye?.

Ugu Dambayn Waxa Aan Beelaha Bariga Somaliland Uga Digeynaa In Ay Mar Labaad Ku Sir-Maan Khiyaanooyinka Iyo Ballan-Qaadyada Madhaleyska Xisbiga Kulmiye Iyo Xilal Madhan Oo Magac U Yaal Ah, Kuwaas Oo Aan Waxba Soo Kordhinaynin Waxyeello Mooyaane, Haddaad Digniintaas Qaadataana Alxamudu-Lillaah, Haddii Aad Diidaana Rabbil-Caalamiin.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News